Gobolada Somalilad oo Dhammaan laga Oogay Salaad Roob Doon Ah

0
560

Hargaysa (Dawan):- Guud ahaan gobolada iyo degmooyinka dalka Somaliland ayaa shalay laga oogay salaad roob doon ah oo ALLE lagu baryayay.

Gobolada iyo degmooyinka dalka Somaliland ayaa laga oogay salaad roob doon ah oo y ka qayb galeen guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshowaynta reer Somaliland, waxaana kala qayb galay salaadda roob doonta ah dadweynaha kala duwan guddoomiyeyaasha gobolada iyo culimo awdiinka iyo madaxda qaranka.

Dadweynaha magaalada Burco ayaa shalay si wayn ugu soo baxay salaadda roob doonta ah waxaana kala qayb galay Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi, masuuliyiinta degmada Burco iyo culimo aw diingka gobolka.

Sheekh Cali Warsame oo ka mid ah culimada gobolka togdheer oo hadal ka jeediyay salaadda roob doonta ah ayaa u soo jeediyay dadweynaha magaalada Burco in ay badiyaan ALLE ka cabsiga.waxaana uu yidhi“Waxaynu halkan ku baryaynaa ILLAAHAY oo kari kara waxaynu waydiisanayno waana mid awooda waxaynu wadiisanayno dad kuna marka ay dhibaatadu ku dhacdo dadka waxa ka mid ah mid marka ay dhibaatadu ku dhacdo qaylinaya ALLAAH ayuu leeyahay hadduu jiifo iyo hadii uu taagan yahayba,”.

Sidoo kale dadweynaha ku dhaqan magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa isugu soo baxay salaad roobdoon ah waxaana dadweynaha magaaladaasi kala qayb galay salaadaa roob doonta masuuliyiinta gobolka iyo degmada Boorama.

Maayarka magaalada Boorama Saleebaan Xasan Xadi oo hadal ka jeediyay salaadaa roobdoonta ayaa sheegay in loo baahanyahay in laysa saamaxo isla markaana waxa xun la iska reebo waxa wanaagsanna la is faro,waxaanu yidhi “Waxaynu bacadkaa u joognaa in ILLAAHAY roob khar qab inna siiyo oo ALLE abaaraha inaga dul qaado quluubteena ayuu ALLE daalacanayaa hala isa saamaxo waana in ay is waafaqaan hadalka aynu ku had layno iyo quluubteenu,waxa wanaagsan hala isku jeclaado wax yaabaha xunna ha layska reebo.”.

Sidoo kale Salaadda Roobdoonta waxaa si wayn looga ooggay gobolade kale dalka Somaliland waxaana kala qayb galay salaadaa roobdoonta ah guddoomiyayaasha iyo masuuliyiinta heer gobol iyo degmo iyo culimo awdiinka gobolada iyo degmooyinka dalka oo ku dheeraaday in ALLE la baryo oo RABBI naxariistiisa aan laga quusan isla markaana waxay culimadu dadka u soo jeediyeen in la isa saamaxo oo quluunta la iska saamaxo oo wanaaga la is faro isla markaana dadka jilicsanwax la taro.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply