Basaska Caasimadda Hargeysa oo Sababeeyay Shaqo Joojin ay Sameeyay

0
1128

Hargaysa(Dawan):-Guddoomiyaha Ururka Iskaashatada Basaska ee CITY BUS ee magaalada Hargaysa Cabdikariim Axmed Yusuf ayaa ka hadlay shaqo joojin ay sameeyeem maalintii shalay basaska u kala goosha xaafadaha magaalada Hargaysa.

Waxaanu guddoomiyuhu sheegay in ay shaqada u joojiyeen arrimo la xidhiidha kala xadayn la’aan ka dhex taagan basaska iyo tagaasiyada yay yar ee loo yaqaan boro bogoska iyo Tukaanka oo uu sheegay in qar in qaraar laga soo saaray arrintooda in ay cidi fulin waday ka dibna ay shaqadi joojiyeen si aanay dhexdooda isku dhac uga iman. “Waxa sababay shaqo joojintaa iyadoo annagu waxaanu u adeegnaa dadweynaha intaas oo qaraar ayaa dawladda hoose ee Hargaysa ka soo saartay in nala kala xadeeyo baabuurta tagaasida ee loo yaqaan baro bogoska iyo Basaska waawayn,cid noo dhaqaajisa ayaanu waynay bishii 4aad kow deedii ayaanu soo baxay qaraar kaasi in cidi aanay is dilin oo aanay dhibi ka iman ayaanu u dhignay gaadiidka basaska,”.

Waxaa kale oo uu intaa raaciyay cabasho uu ka muujiyay in ay ka qabaan ganacsatada bakhaarada Hargeysa oo uu sheegay ibn ay dhibaato badan ku hayaan.“waxaanu maalin walba is haysanaa Bakhaarada ciddii naga qaban lahaydna waa dawladda hoose iyo wasaarada arimaha bulshada,waxaana qaraarkan gaadhay 12 istaan ee Caasimada Hargaysa ana waan guddoomiyay wax lacaga oo aanu kordhinay ma jirto hadii arinkan wax laga qaban waayo basaska Iskuulada qaadana waanu joojinaynaa.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply