“Reer Sanaag waxay kala Doorteen Laba Madaxweyne oo Midna Buugag u Qaybinayo Midna Rasaas” Xil Indho Indho

0
591

Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Cabdilqaadir Maxamed Xasan (Indha Indho) oo ka mida mudanayaasha golaha guurtida Somaliland ayaa ka hadlay waftiga ballaadhan ee uu hoggaaminaayay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdilaahi Cartan, ee boqoshada ku yimid magaalada Hargeysa, kuwaasi oo uu sheegay in ay xaqiiqada wajaheen.

Xildhibaan Indho Indho waxa uu xusay in ay kala doorteen madaxweyne Muuse Biixi oo ubadkooda waxbaraya oo buugaag u qaybinaya iyo madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni oo rasaas u qaybinaya. “Wefti culus ayaa yimid waxaaney sheegeen in dadkii xuduuda xidhilahaa ay yihiin, Somalilandna waa qobtol oo nin kastaaba inta uu joogo ayuunbu dawladnimadda ka muujiya, anigu waxaan is leeyahay maanta laba arrimood ayay kala doorteen, goboladii barigu, laba madaxweyne oo ay midna Ilmaadeer yihiin midna Ilmaantii yihiin ayaa deegaankaasi u dhaxeeyaa, mid waa Muuse Biixi Cabdi oo la doortay, oo saddex boqol oo kun oo qof dad gaadhaya ay doorteen, oo waliba sannadka ay goboladaasina ka qayb galeen, ninka kalena waa ninka ay soddonka nin doorteen ee aanu jaarka nahay” ayuu yidhi.

Xildhibaan Cabdilqaadir Maxamed Xasan Indha waxa uu tilmaamay in ay kala doorteen laba madaxweyne oo midna ubadkooda wax-barayo oo buugaag u qaybinayo midna rasaas u qaybinayo waxanu yidhi “Almihiim waxaa weeyeen dadkaasi waxaa ay kala dooranayaan madaxweyne buugaag u qaybinaya oo ubadkoodii wax baraya madaxweyne abaartii ka caawinaya, goboladii bariga waxaa biya dhaamis iyo raashin ku socda waad yaabeysaa, waxyaabaha lagu gartay in la wada leeyahayna waa ka mid, waxaa ay kala doorteen madaxweyne ay doorteen oo xiligii xumaa carruurtiina wax baraya, oo buugaag qaybinaya bulshadii abaarta ku xoola waayayna biyo u dhaaminaya oo raashin siinaya, waxaa ay ka doorteen ninkaasi ay Ilmaadeerka yihiin oo rasaas u qaybinaya, dad abaari heyso oo la yidhaaho dagaalama weli lama arag, marka madax-dhaqameedka ka soo kicitimay bariga gobolka Sanaag xaqiiqada ayay wajaheen, Illaahey waxaa ay aanu ka rajeynaynaa inuu inta kalena garansiiyo, anagu hada waxba lama noolin oo soddon sannadood ayaanu dagaal ku jirnay, waa naga soo dhammaatay laakiin waxa weeye ‘waxaan ubateeyaba tolkay ooda soo jabi’ markii horeba Dhulbahante waakii hore u yimid Warsangelina maanta haduu yimid waxaanu leenahay soo dhawaada, dalkiini ayaad timaadeen dadkiini ayaad u timaadeen. “

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply