Madaxweyne Ku-xigeenka oo ka Hadlay Dhibta laga Dhaxlo Dhulka Laysku Qabsado

0
645

Hargeysa (Dawan) Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka hadlay dhibta laga dhaxlo dhulka leysku qabsado, waxaanu sheegay in ay bulshada gayeysiisay in wiil iyo aabihii ay isku dilaan, bulshada inteeda kalena ay daawade ka tahay. Waxaanu bulshada ugu baaqay in iscafiyaan isuna naxariistaan si ILLAAHEY raxmaadkiisa u shubo.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Dhulka masiibadda inagu haya, waar Illaahey halaga baqo waxa aan isku dilaynaa waliba waa dhulkii Illaahey ee inaga dhaxeeyay, ILLAAHEY quraankiisa waxaa uu ku sheegay dhulka in uu isagu leeyahay, qofkuna leeyahay inta uu ka mulkiyo ee uu qoto, amase uu guri ka dhistay, hase ahaate buurihii ILLAAHEY ee inaga dhaxeeyay in maanta wiil iyo aabihii isku dilaan waa nasiib-daro weyn, taasi ayaynu inaguna dhammaanteen daawadayaal ka nahay, si ILLAAHEY raxmaadkiisa inoogu shubo waa in aynu runta isu sheegnaa, oo dulmiga iska qabano, oo dulmiga dhexdeenayaala aan iska qabano”

Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici ayaa Ilaahay ka baryey inuu addoomihiisa u naxariisto oo uu soo qaboojiyo waxaanu yidhi “ILLAAHEY waxaan ka baryeynaa inuu raxmaad deg degga ina siiyo, roob caama oo dalkoo dhan gaadhaa, in Illaaheybaynu gacmaha hoos heysanaaye meel muslim jooga uu raxmaadkiisa u shubo, oo barkaadka dhulka inoo saara, dhammaanteen waxaa aynu u wada baahanahay raxmaadka ILLAAHEY, biyo ayaynu u wada baahanahay, awaamiirta ILLAAHEY oo aynu fulino ayaynu ku helayna raxmaadkiisa, marka aynu inagu isku naxariisano ayaa ILLAAHEYNA inoo naxariisanayaa, bulshaweynta reer Somaliland meel ay joogtaba waxaan leeyahay hala is cafiyo marka hore, caloosha hala iska sii daayo, dadku wanaaga heysku taageero xumaantana heyska reebo, sidii nabigeenu N.N.K.H ina faray”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply