Madaxweyne Muuse oo Xilkii ka Qaaday Masuuliyiin Xukumaddiisa

0
535

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii wasaaradda qorshaynta Cawaale Ibraahim Shirwac iyo Safiirkii Somaliland u fadhiya dalka Etoobiya, Axmed Xasan Cigaal, isaga oo masuul cusubna u magacaabay wasaaradda horumrinta caafimaadka.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Somaliland ayaa lagu sheegay xilka qaranka ay dabcigiisa yahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta, waxanay u dhignayd Sidan:,

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-293/042019, uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

“Wareegto Madaxweyne

Xil ka Qaadis

Ku: Cawaale Ibraahim Shirwac Looddoon

Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka

Ku: Axmed Xasan Cigaal Sahal

Safiirka Somaliland u Fadhiya Itoobiya

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen.

Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran.

Wareegto Madaxweyne.

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

1 Cumar Cali Cabdillaahi Bade Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

2 Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin) Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.

3 Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

4 Salaan Xasan Kayd Cabdille Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Itoobiya”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply