WEEDHA WARGEYSKA Isbeddelka Aragtida Xagga Siyaasadda ee Daneeyayaasha Arrimaha Somaliland/Somaaliya

0
48

Jamhuuriyadda Somaliland waxay muddo ku dhaw soddon sannadood raadco ugu jirtay helitaanka aqoonsi, si ay dalalka dunida iyo Ururrada Caalamiga ahba ula wadaagto xidhiidh toos ah oo kala duwan oo ay ka mid yihiin kuwa Siyaasadda, Ganacsiga, Dhaqaalaha, Diblomaasiyadda iyo arrimo kale oo faro badan oo illaa hadda garduub uga xidhantay, hadba Madaxweynaha loo soo cumaamado ee la soo fadhiisiyo xarunta looga taliyo Muqdisho ee la odhan jiray Villa Somaaliya.

Dadaallada isdaba-jooga ee ictiraaf raadinta ee ay soo wadeen hoggaamiyayaashii hore, waxa isna haatan sii ambaqaaday Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo markuu xilka la wareegeyba ku dhawaaqay wax ka beddelka goobtii iyo qaabkii hore ee ay u socdeen wada hadallada Somaliland iyo Somaaliya, isagoo qaatay mawqif cad oo ay uga horreeyaan laba qodob oo muhiim u ah ka midho dhallinta wada xaajood dembe oo dhexmara labada dhinac.

Qodobadaa labada ah waxa ay kala yihiin, in goobtii hore ee wada xaajooodka oo dalka Turkiga ahayd laga beddelo, maadaama habayaraatee aanay wax natiijo oo kasoo baxay jirin kulannadii muddada shanta sanno ah uga socday labada dhinac dalkaasi iyo in la helo helo cid dhexdhexaadisa oo goob joog ka ahaada wada hadallada dembe ee la saadaalinayo inay dib u bilaabmaan.

Waxa kale oo Xukuumadda uu hoggaamiyaha ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi dhaqaaqday gunti-giijin xagga dhaqaalaha, si laysugu tashado loona helo cudud Millateri oo difaaca dhammaan xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo wax weyn ka tareysa aragtida xagga siyaasadda ee indhaha Caalamka, gaar ahaan kuwa daneeya arrimaha siyaasadda ee mandaqaddan.

Inkasta oo waqti kooban oo aan ka badneyn sannad iyo dhawr bilood oo kaliya muddadii ay Xukuumaddani xilka haysay, ayaa waxa ka mid ah tallaabooyinka badhi-taageerada u ah in Jamhuuriyadda Somaliland aqoonsi ka hesho dunida mustaqbalka dhaw, dadaalkii aan kala go’a lahayn ee Xukuumaddu u gashay soo afjaridda shaqaaqooyinkii soo noqnoqday ee u dhaxeeyey laba beelood oo isku degaan ah[ Ceel-afweyn],taasoo si buuxda ay ugu guuleystay inay nabad iyo wada noolaansho dhammeystiran ka dhex dhaliso labadii beelood, kadib markay u dirtay ergo culus oo ka koobnaa xulka Somaliland oo isugu jiray Culimaa’uddiin, Madaxdhaqmeedyo iyo waxgaradba.

Arrimaha kale ee Indhaha dunida usoo jeediyey xagga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ka mida ku dhiirashada la dagaallanka musuqmaasuqa, kadib markay Hay’adda Hantidhawrka boodhka laga jafay ee ay hawsha xisaabi xil maleh ka bilowday xarumaha dawladda, baadhitaan kadibna ay Madax illaa Wasiir ah ku soo taandheeyeen eedo musuqmaasuq, iyadoo eeydamahaa kadibna uu Madaxweynaha JSL ka qaaday Wasiirradii iyo mas’uuliyiintii kale ee Hantidhawrku u gudbiyey eedeyntoodii Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Si Xukuumaddu usii xoojiso una adkeyso ilaalinta hantida Ummadda, si aan isaga iibino bulshada Caalamka, waxa lagama maarmaan in shacbigu ku taageeraan Xukuumaddooda tallaabadan, isla markaana ay laba kala daayaan, inay ku cawdaan musuqmaasuqa waxba lagama qabtee, wax hallaga qabto iyo in marka la soo qabqabto ee katiinad lagu soo jebiyo uu qabiil walba Suldaankiisa, odayaashiisa iyo dhallinyaradiisuba rag iyo haween la soo saftaan markuu noqdo mid kasoojeeda qabiilkooda kii ay musuqa kaga cabanayeen. Mida kale reereynta arrinta la dagaallanka musuqmaasuqu waa mid dhabar jebin ku ah karaamada iyo jiritaanka Qaranimo, sidoo kale innaga soo xidheysa dhammaan albaabada ictiraaf raadinta.

Haddaba marka laysku geegeeyo arrimaha aan dusha sare ku soo xusnay iyo kuwa kale oo faro badan sida kuwa shaqo abuurka ee curadka ku ah dalkeena, waxa ay durba la arko midhahoodii marka la eego wufuudda heerka sare ah ee bilahan u dembeeyey ku soo qulqulayey Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo ay ugu dembeeyeen wufuuddii ka socday Midowga Yurub, Wafdigii Ereteeriya ee uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibedda, Safiirrada dalalka Britain, Jarmalka iyo Mareykanka.

Wufuuddaa miisaanka weyn leh iyo kuwa kale oo badan oo ka horreeyeyba, waxa innoo muujinayaan inay jiraan ifafaalayaal isbeddel oo heegadiisu dusheena joogto, gaar ahaana dhinaca aqoonsiga oo sida muuqata hadda iliiladihii usoo burqanayaan jahadeena.

Geesta kale waxa jira diblomaasiyiin iyo aqoonyahanno Caalami oo imika ka difaaca qadiyadda Somaliland masraxyada kala duwan ee xeeldheerayaashu ku kulmaan, kuna gorfeeyaan xaaladaha siyaasadeed ee cakirran ee ka jira meelo kala duwan oo dunida ka mida, sida Somaliland iyo Somaaliya, waxana ugu dembeeyey Safiirkii hore ee Mareykanka u fadhiyey dalka Coartia Mr. Peter Galbraith oo mar Somaliland wax laga weydiiyey ku sheegay inay tahay goob mucjiso ah oo u baahan in wax laga barto iyo Cilmi-baadhe Mareykan ah, horena uga mid ahaa saraakiisha Pentagon-ka oo la yidhaa Michael Rubin oo isna qoraallo badan ku daabacay Magazine la yidhaa [Washington Examiner’s Beltway Confidential Blog] kuwaas oo ku dooday sharcinimada qaranimo ee JSL.

Si haddaba aan u gaadhno yoolkeena oo ah inaan noqono Qaran jira oo Calankiisu ka dhexbabbanayo kuwa kale ee dunida meelaha fagaarayaasha ee xarumaha dunida ka dhaxeeya sida kuwa Qaramada Midoobay, AU-da iyo kuwa kaleba, waxa waajib ku ah qof kasta oo Somalilander dhaba, inuu kala garto qabyaalad iyo qaranimo faraqa u dhaxeeya iyo inay yihiin laba aan marnaba isqaadan Karin.

Dawannews Hargeysa office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here