Madaxweynaha Somaliland oo Qaabilay Madaxweynaha Hore ee Nayjeeriya iyo Wefti uu Hogaaminayo

0
815

Hargaysa (Dawan): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Mr. Olusegun Obasanjo, iyo wefti uu hoggaaminayay.

Mr. Olusegun Obasanjo, ayaa imika ah guddoomiyaha hay’adda Brenthurst Foundation oo ka shaqaysa horumarinta dhaqaalaha Afrika iyo hirgelinta nidaamyada caalamiga ah oo xarunteedu tahay dalka South Africa.

Safarka madaxweynihii hore ee Nigeria uu Somaliland ku yimid ayaa ka danbeeyay marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda Somaliland.

Muuse Biixi Cabdi, madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxa uu uga mahadnaqay booqashada uu ku yimid Somaliland, waxaanu warbixin guud ka siiyay marxaladihii kala duduwanaa ee ay soo martay jamhuuriyadda Somaliland iyo wakhtigan halka ay marayso.

Waxaanu madaxweynuhu u sheegay Olusegun Obasanjo, in shacbiga Somaliland xasuusan yahay guddidii xaqiiqo raadiska midawga Afrika u soo diray Somaliland sannadkii 2005-tii oo uu ahaa gudoomiyihii midawga Afrika ee xiligaas.

Si ay uga sameeyaan warbixinno la xidhiidha qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland, maanta oo uu ku sugan yahay Somaliland-na ay guud ahaan indhaha jamhuuriyadda Somaliland muddo 28 sanno ah ay soo eegayeen madaxda, siyaasiyiinta iyo odayaasha Afrika ee uu ka midka yahay.

Kana dhursugayaan sidii ay midawga Afrika uga heli lahaayeen waxa ay ka mudan yihiin ee ay xaqa u leeyihiin oo ah aqoonsi ay ka helaan Afrika inteeda kale iyo beesha caalamka.

Geesta kale madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Mr. Olusegun Obasanjo, oo xukunka dalkiisa hayay intii u dhaxaysay sanadihii 1999-2007-kii, isla markaana Midowga Afrika hoggaaminayay intii u dhaxaysay sanadihii 2004-tii ilaa 2006-dii, ayaa safarkiisani waxa uu qaadan doonaa muddo laba maalmood ah.

Isaga oo booqan doona xafiisyo kala duwan oo dawladda Somaliland ay leedahay mudadda uu Somaliland jooga isaga iyo weftiga la socdaaba.

Dhinaca kale kulanka uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, la qaatay madaxweynihyihii hore ee dalka Neyjeeriya Mr. Olusegun Obasanjo, waxaa ku wehelinayay madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), gudoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali waraabe). Wasiirrada arrimaha gudaha iyo hawlaha guud, wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, wakiilka Somaliland u qaabilsan midawga Afrika Cabdilaahi Maxamed Ducaale, maayarka caasimada Hargaysa iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada Somaliland.

Dhinaca kale madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay gelinkii danbe waxa uu hadhimo-sharafeed Ku maamuusay madaxweynihii hore ee dalka Neyjeeriya Mr. Olusegun Obasanjo, oo booqasho rasmi ah ku yimid Somaliland.

Hadhimo-sharafeeddan uu madaxweynuhu u sameeyey madaxweynihii hore ee dalka Neyjeeriya oo ay ka qaybgaleen shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, madaxda axsaabta qaranka, saddexdii madaxweyne-ku-xigeen ee Somaliland soo maray.

Wasiirro iyo haldoor kale oo reer Somaliland ah, ayaa ahayd mid lagu sharfayay madaxweynaha hore ee Neyjeeriya Olusegun Obasanjo ee dalka booqasho rasmi ah ku jooga.

Waxaana halkaas laga jeediyay hadallo loogu mahadnaqayay, isla markaana lagu sharraxay horumarka ay Jamhuuriyadda Somaliland gaadhay.

Madaxweynihii hore ee dalka Neyjeeriya, ahna guddoomiyaha hay’adda Brenthurst Foundation, ayaa amaanay horumarka balaadhan ee ay Somaliland ku tallaabsatay iyo midnimada ka muuqata qaybaha kala duwan ee bulshada.

Mr. Obasanjo, waxa uu sidoo kale sheegay in booqashadda uu Somaliland ku yimid ay salka ku hayso sidii uu wax badan uga ogaan lahaa xaaladda dhabta ah ee Somaliland ka jirta.

Isagoo shacabka Somaliland iyo xukuumaddooda-na ugu baaqay inay sii adkeeyaan xasilloonida iyo nabadgelyadda ay ku tallaabsadeen.

Waxaanu yidhi “Waxaanu halkan (Somaliland) u nimid in aan aragno, oo aanu indho indhayno, oo aannu dhegaysanno, waxay qabsatay. Ilaa imika-na waxaanu aragnay waxyaabo waaweyn oo aad qabsateen.

Waxaad haysataan nabad, ammaan iyo horumar, waxaanan idinku dhiirrigelinaynaa in aad sii joogtaysaan”.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire oo madasha hadallo kooban ka jeediyey ayaa si weyn ugu mahadnaqay madaxweynaha hore ee dalka Neyjeeriya, Mr. Olusegun Obasanjo booqashada uu dalka ku yimid.

Waxaanau ka sheekeeyey marxaladihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay, horumarka ay ku tallaabsatay iyo hiigsiga fog ee ay leedahay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply