Ciidamada Dab-Damiska Somaliland Oo Ilme Yar Kasoo Badbaadiyey Musqul Lagu Riday+Sawiro.

0
738

Hargeysa(Dawan)Ciidamada Dab-damiska Somaliland ayaa ku guulaystay in ay kazoo badbaadiyaan ilme yar oo goob Suuli ah lagu riday xaafada October ee degmada Axmed Dhagax ee magaaladda Hargeysa.

Ciidamada ayaa lagu soo wargeliyey dhacdadan maanta duhurnimadii, sida ay ciidamadu ku sheegeen qoraal kooban oo ay soo dhigeen bogga ay Facebook-ga ku lee yihiin, iyaga oo isla waqtigaasiba ka hawlgalay sidii ay ilmahaasi u badbadin lahaayeen.

Maayirka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa goob joog ka ahaa gurmadkaasi lagu samata bixinaayey ilmahaasi yar, iyada oo ay ciidamadu soo saareen ilmahaas oo nooc, kadib markii ay badbaadadiisa u adeegsadeen qalabka kala duwan ee badbaadada.

Ilmahan ayaa ciidamada Dab-Damisku ku wareejiyeen Dhakhtarka weyn ee magaalada Hargeysa , iyaga oo sheegay in uu ilmahan yari caafimaad qabo .

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Ciidamada Iyo Sawiradda Warka:-

Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa Maanta abaaro 1:26 Pm lagu soo wargeliyay samatabixinta Ilmo yar oo lagu Riday Musqul dhererkeedu qiyaas ahaan ahaa 10 M kuna taallay Xaafada Oktoobar ee Degmada Axmed Dhagax.

Ciidanka ayaa ka hawlgalay sidii ilmahaas looga soo saari lahaa Suuliga, waxaana ciidanku ku guuleystay inuu ka soo saaro suuliga, iyadoo xubin ka mida ciidanka oo adeegsanaya xadhkaha Samatabixinta iyo sallaamada uu gudaha u galay godkaas kana soo saaray iyadoo Ilmahaasi noolyahay Caafimaadkiisuna uu aad u wanaagsanayahay.

Kadib ciidanka Dab-demiska ayaa Ilmahaas yar oo caafimaad qaba ku wareejiyay Cisbitaalka weyn ee Magaalada Hargeysa.

Masuuliyiinta waaxda hawlgelinta iyo caafimaadka ayaa hawlgalkaa hogaaminayay sidoo kale waxaa isaguna goobjoog ka ahaa hawlgalkaa Duqa caasimada hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco.

Guud ahaan hawlgalkaas ayaa ku soo dhamaaday guul iyadoo ilmahaasina hadda Caafimaad qabo.

Ciidanka dab-demiska ayaa laga soo bilaabo aasaaskii ilaa maanta sameeyay badbaadooyin iyo samatabixino iyadoo ay u dambaysay kaalintii ciidanku ka geystay gurmadkii roobabkii khasaaraha geystay ee hal maalin ka hor ka dhacay gudaha Magaalada Hargeysa.

Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska JSL
Hargeysa/Somaliland
990 Gurmadka Degdega ah

 

 

Image may contain: one or more people and birdImage may contain: shoesImage may contain: 1 person, outdoorImage may contain: one or more people and shoesImage may contain: 3 people, people standing and stripesImage may contain: 1 person, standing, sky, child and outdoorImage may contain: 2 people, people smiling, people standing, tree and outdoorImage may contain: 1 person, standing and outdoorImage may contain: 1 person, standing and outdoorImage may contain: one or more people, shoes, child and outdoorImage may contain: one or more peopleImage may contain: one or more people, people sitting and childImage may contain: one or more people, people sleeping and childImage may contain: one or more people, people standing and indoorImage may contain: one or more people and childImage may contain: 1 person, sleeping, baby and closeupImage may contain: 4 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: one or more people, child and indoorImage may contain: 1 person, sitting, child and outdoorImage may contain: 1 person, sitting and childImage may contain: one or more people, child and outdoorImage may contain: one or more people, people sitting and people eatingImage may contain: one or more people, people sleeping, people sitting, baby and childImage may contain: one or more people, people sitting, people eating and foodImage may contain: 2 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: 5 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: one or more people and outdoor

Leave a Reply