Bisha Ramadaanka Badiya Ducda iyo Sadaqada

0
115

Caa’isha Ilaahay ha ka raalli noqdee iyadoo noo iftiiminaysa siduu Nebiga (scw) ugu dadaali jiray salaatu-leylka waxay tidhi.

ha ka tagin salaadda leylka, maxaa yeelay Rasuulka (scw) kamuu tagi jirin. Haddii uu xanuunsan yahay ama uu caajiso fadhiga ayuu ku tukan jiray’. Salaadahaas iyo dadaalkaas wuu sii laba-laabi jiray Rasuulka (scw) marka la gaadho ramadaanka, saxaabadana way kaga shidaal qaateen sunnadaas.

Cumar Binu Khadaab (rc) marka la gaadho habeenka wuxuu u istaagi jiray salaad, isagoo si ay khushuuc ku dheehan tahay u dheereen jiray salaadaha habeenka. Habeenka saqda dhexe marka la gaaro wuxuu salaadda u toosin jiray reerkiisa, isagoo ku oran jiray SALAADDA SALAADDA, wuxuuna ku dul akhrin jiray aayadda uu Alle (sw) ku leeyahay ‘waxaad qoyskaaga fartaa salaadda iyo zakada..’Suuradda Daha 132. Xaddiis uu weriyay Imaam Axmad, uuna ka werinayo Abuu Hureyra Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu Rasuulka (scw) yidhi xaddiis macnihiisu ahaa:

‘waxaa idiin yimid bishii ramadaan, wuxuu Eebbe (sw) idinku waajibiyay inaad soontaan, bishaan waxaa la furaa albaabada Jannada, waxaa la xiraa albaabada Naarta. waxaa la xiraa shayaadiinta, waxaa ku jirta habeen ka kheyr badan kun habeenood, ruuxii laga xarimo kheyrkeeda waa qof kheyr laga xarimay’. Haddaba, bisha sidaas u kheyrka badan waxaa habboon inaynu ku dadaalno sidii aan uga faa’iideysan lahayn kheyraatkeeda, oo aan gadaal danbe aanan uga qoomamayn.

Soonka waa la aqbalaa ducada.

Walaalayaal, waxaa nalaga doonayaa inaynu bishan kheyrka badan aan kula qaabilno towbad badan, Qur’aan akhris badan, salaad badan, baarifalka iyo samafalka waalidka, waxtarka iyo taageerada dadka dhibaataysan, islaaxinta iyo xidhiidhka qaraabada iyo dhammaan waddooyinka kheyrka ee uu Eebbe (sw) ka raalliga yahay.

Bisha ramadaan waa bishii naxariista. Waa bishii denbi dhaafka badneyd. Waa bishii xoreynta naarta. Lama koobi karo fadliga bisha ramadaan, waxaana ka mid ah in la aqbalo ducada addoomada suubban ay baryayaan Rabbi (sw).

Wuxuu Eebbe (sw) yidhi isagoo ka hadlaya arrintan ‘hadduu addoonkayga xaggeyga wax iga weydiisto waxaan u ahay mid u dhow oo aqbala ducada markuu wax i weydiisanayo’ aayadda 186 suuradda Al-Baqara.

Dhinaca kale, xaddiis uu Imaam Axmad ka weriyay Rasuulka (scw) wuxuu Rasuulka (scw) yidhi ‘seddex ducadooda lama celiyo’, waxayna saddexdaas kala yihiin:

1: qofka sooman jeer uu ka afuro.

2: madaxweynaha caadilka ah.

iyo qofka la dulmiyay habaarkiisa’.

Deeqsinimada iyo soonka.

Walaalayaal sidoo kale bisha ramadaan waa bil ku caanbaxsan deeqsinimada, samafalka iyo ixsaanka.

Cabdullaahi Binu Cabbaas Ilaahay ha ka raalli noqdee wuxuu yidhi ‘Rasuulka (scw) wuxuu ahaa kan dadka ugu deeqsinimada badan, wuxuuna ugu sii deeqsinimo badnaa bisha ramadaan, gaar ahaan waqtiga uu la kulmayo malaga Jibriil (cs), habeen kasta wuu la kulmi jiray Jibriil iyagoo daraasayn jiray qur’aanka’. Sidaa darteed, wuxuu Imaamu Shaafici yidhi ‘waxaan jeclahay inuu qofka badiyo deeqsinimada si uu ugu daydo Rasuulka (scw).

Dhinaca kale wuxuu Rasuulka (scw) qur’aanka la daraasayn jiray oo la akhrin jiray Jibriil bisha ramadaan, waxay dhammeyn jireen qur’aanka bisha oo dhan hal jeer, hase ahaatee sannadkii ugu danbeeyay ee uu soomay Rasuulka (scw) waxay qur’aanka khatimeen labo jeer.

Dadka uu Alle ku galladaystay hantida waxaa la gudboon inay ku dadaalaan waxtarka dadka tabaaleysan, siiba bisha ramadaan. Ajar aad u weyn ayaa lagu sheegay qofkii afuriya qof muslim ah bisha ramadaan. Wuxuu Rasuulka (scw) noo tilmaamay in qofkii afuriya qof muslim ah, uu leeyahay ajarkii kii soomanaa oo kale, iyadoo kii soomanaana aan laga naaqusin ama laga dhimin ajarkiisa.

 

 

 

 

 

Waa fadli aad u weyn.

Bisha ramadaanka waxaa ku jira habeen ka kheyr badan kun habeenood, sida uu Eebbe (sw) noogu sheegay suuradda Al-qadr. Inkastoo aan habeenkaas la cayimin habeenka ay ku beegan tahay.

haddana waxaa muslimiinta laga doonayaa inay ku dadaalaan dhammaan habeenada iyo maalmaha ramadaanka uu ka kooban yahay, si ay uga faa’iideystaan fadliga ramadaanka.

Iridka dadka sooman ay ka galayaan Janada.

Walaalayaal, cibaadada Soonka wuxuu qofka dhaxalsiiyaa Jannada iyo inuu ka galo maalinta qiyaamaha mid ka mid ah albaabada Jannada.

kaasoo loogu magacdaray Rayyaan. Saxaabiga la yiraahdo Sahal Binu Sacaad ayaa wuxuu Rasuulka (scw) ka weriyay isagoo leh ‘waxaa jannada dhexdeeda ahaaday irid la yiraahdo Rayyaan, iridkaas ayey dadkii soomanaa ka soo galayaan janada maalinta qiyaamaha.

qof aan iyaga ahayn kama soo galayo, waxaa la odhanayaa meeye dadkii soomanaa?, markaas bay istaagaan qof aan iyaga ahayn ma soo galayo’. Allaha ha ka raalli noqdee saxaabiga la yiraahdo Abii Umaama ayaa weydiiyay Rasuulka (scw), wuxuuna ku yidhi ‘Rasuulkii Allow waxaad i fartaa arrin uu Alle igu anfacayo’, markaasuu Rasuulka (scw) wuxuu ugu jawaabay ‘waxaad ku dadaashaa soonka, ma jiraan wax la mid ah’ Soonka iyo guulihii muslimiinta Lama koobi karo munaasabadada qiimaha leh ee Ramadaan.

Guulihii ay Muslimiinta soo hoyiyeen Bisha Ramadaan.

Bisha Ramadaan waa bilihii ay muslimiinta soo hoyeen guulihii ugu waaweynaa ee islaamka. Dagaalkii ugu weynaa ee ay muslimiinta ku guulaysteen wuxuu ahaa dagaalkii weynaa ee Badar, haddana dagaalkaasi wuxuu dhacay bil ramadaan 17-keedii sannadkii labaad ee hijriga.

Waa dagaalkii ay qayb libaax leh ay ka qaateen malaa’igtii sharafta badnaa ee uu hoggaaminayay Jibriil (cs). Wuxuu Eebbe (sw) yidhi isaga oo ka hadlaya dagaalkaas ‘dhab ahaantii wuxuu Eebbe (sw) idiin gargaaray Badar idinka oo dulleysan..’ aayadda 123 suuradda Al-Cimraan.

Dagaalkaas Badar markii laga soo wareegay qiyaastii 4 sanno iyo xoogaa waxay misna muslimiinta soo hoyeen guushii ay ku furteen magaallada Makka. Waa furashadii magaallada Maka oo ku beegnayd labaatankii ramadaan ee sannadkii lixaad ee hijriga.

halkaasna wuxuu Rasuulka (scw) ku aasay oo ku burburiyay asnaamtii boqolaalka gaadhayay ee ku xoonsanaa hareeraha Kacbada. Inkasta oo labadaasi guulood ay ku beegmeen bil ramadaan dhexdeeda.

haddana waxaa jiray guulo kale oo ay muslimiinta soo hoyeen isla bisha ramadaan, waxaana ka mid ahaa Furashadii Andalus sannadkii 92-kii hijriga, Furashadii Cammuuriya sannadkii 223 hijriga, dagaalkii Zalaaqa ee hore sannadkii 479-kii ee hijriga, dagaalkii Xaarim sannadkii 559 hijriga iyo dagaalkii Cayn-Jaaluut sannadkii 658 hijriga.

Ugu danbeyntii, walaal haddaad macaasi iyo denbi badneyd uga faa’iideyso bishan denbi dhaaf dalbid iyo salaado badan. Waxayna ayaan darro haysataa ruuxii laga xaaraantimeeyay kheyraadka iyo fadliga soonka.

Dawannews Hargeysa office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here