Dabdemiska Hargeysa oo Ilmo Yar ka soo Samatabixiyay Musqul Isaga oo Nool

0
740

Hargeysa ( Dawan):- Ciidanka Dabdamiska caasimadda Hargeysa,ayaa ku guulaystay samato bixinta ilmo yar oo Suuli lagu riday isla markaana lagu soo war galiyay in ay soo badbaadiyaan.

War qoraal ah oo ciidanka dabdamisku ka soo saaray samato bixinta ilmaha yar ayay ku sheegeen in Suuli dhererkiisu dhan yahay 10 Mitir in ay ilmahaa yar ka soo badbaadiyeen ka dib markii askari ka tirsan ciidanka dabdamiska oo xadhko dhaadheer lagu xidhay uu musqusha oo la jabiyay gudaha ugu dhacay isla markaana uu soo badbaadiyay ilmaha yar. waxaana intii hawl galka samato bixinta ilmaha yar lagu gud jiray waxaa goob joog ahaa maayerka caasimadda Hargeysa.

Waxaanay ciidanka dabdamisku ilmaha yar ku wareejiyeen cisbitaalka guud ee caasimadda Hargeysa iyadoo kiiskaa baadhitaankiisana ay gacanta ku hayaan waaxda dambi baadhista ciidanka booliska ee CID-da.

War saxaafadeedka ka soo baxay ciidanka dabdamiska oo dhammaystiran ayaa u dhignaa sidan.

“Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa Maanta (shalay) abbaaro 1:26 Pm lagu soo wargeliyay samatabixinta Ilmo yar oo lagu Riday Musqul dhererkeedu qiyaas ahaan ahaa 10 M kuna taallay Xaafada Oktoobar ee Degmada Axmed Dhagax.

Ciidanka ayaa ka hawlgalay sidii ilmahaas looga soo saari lahaa Suuliga, waxaanu ciidanku ku guuleystay inuu ka soo saaro suuliga, iyadoo xubin ka mid ah ciidanka oo adeegsanaya xadhkaha Samatabixinta iyo sallaamada uu gudaha u galay godkaas kana soo saaray iyadoo Ilmahaasi noolyahay Caafimaadkiisuna uu aad u wanaagsanayahay.

Kadib ciidanka Dab-demiska ayaa Ilmahaas yar oo caafimaad qaba ku wareejiyay Cisbitaalka weyn ee Magaalada Hargeysa.

Masuuliyiinta waaxda hawlgelinta iyo caafimaadka ayaa hawlgalkaa hogaaminayay sidoo kale waxaa isaguna goobjoog ka ahaa hawlgalkaa Duqa caasimada hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco.

Guud ahaan hawlgalkaas ayaa ku soo dhamaaday guul iyadoo ilmahaasina hadda Caafimaad qabo.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply