Wasaaradda Diinta iyo Culimada oo Baaq u Diray Ganacsatada

0
502

Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda diinta iyo awqaafta, baanka dhexe iyo qaar ka mida culimada waa weyn ee dalka ayaa shalay ka hadlay doolarka qiimihiisu dhacay iyo kor u kaca shilinka Somaliland iyo saameynta uu ku yeeshay bulshada.

Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa sheegay in ay isugu yeedheen imaamyada masaajiddada qaar ka mid ah oo ay kala hadleen isbeddelka lacagaha iyo sidii loogu salayn lahaa sarrifka lacagta shilinka Somaliland, maciishadda quutal daruuriga ah iyo alaabooyinka kale ee ay Iibiyaan.

Agaasimaha guud ee baanka dhexe Axmed Xasan Carwo, ayaa sheegay in boqolkiiba 20% uu hoos u dhacay sarrifka doollarku, sidaasi darteedna looga baahan yahay ganacsatada inay jabiyaan Maceeshadda quutal-daruuriga ah oo ay ku iibiyaan halka uu hadda taagan yahay sarifku.

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Sheekh Ismaaciil Dheeg, Sheekh Cabdiraxmaan Yaasiin, Sheekh Cabdiraxmaan Axmed oo kamida culimo aw-diinka Somaliland, waxaanay sheegeen sida aanay shareecadda Islaamku u ogolayn in wax dheeraad ah lagu kordhiyo halka uu taagan yahay qiimaha sarifku, marka baddeecadaha la iibinayo.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply