Roobab Khasaare Hantiyeed Sababay Oo Ka Da’ay Burco iyo Boorama

0
660

Burco (Dawan): Roob mahiigaan ah oo 48-kii saacadood ee la soo dhaafay ka da’ay gobolka Togdheer ayaa lagu soo waramayaa in uu khasaare balaadhan soo gaadhsiiyay xaafado ka mida magaaladda Burco.

Sida uu sheegay badhasaabka gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi, oo shalay warbaahinta faahfaahin ka siinayay khasaaraha ka dhashay roobabkaasi mahiiganka ah waxa uu sheegay in aanu jirin wax khasaare nafeedda oo uu roobkani gaystay.

Hase yeeshee uu waxyeelo weyn soo gaadhsiiyay guryo aad u badan, isla markaana uu bur-bur soo gaadhay hanti badan.

Waxaanu yidhi “Waxaa magaalada Burco ka da’ay roob aad u laxaad badan, kaasoo socday muddo laba saacadood oo xidhiidh ah, oo aan kala go lahayn.

Waana roobkii ugu badnaa ee sanadahan u danbeeyay ka da’a gobolka Togdheer. Illaahay-na waa uu inaga aqbalay ducadii, waanu inagu arsaaqay”.

“Roobkani dhab ahaantii muddada uu da’ayay iyo sida ay waxyeeladiisu tahay, waa laba aan is lahayn. Ilaa hadsa ma jirto dhibaato nafeed oo uu roobkaasi gaystay. Balse waxaa jira khasaare mood u badan oo roobka ka dhashay.

Waxaanu khasaarahani u badan yahay goobaha dadka danyarta ahi degan yihiin, oo dhab ahaantii aan u adkaysanayn roobkaasi.

Xaafadda Qun-yar-dega oo kale guryahooda wixii u yaalay oo dhan wuu ka qaaday, keliya nafahooda uun bay kala baxeen. Dusgiga Sheekh Ibraahim oo kale wuu dumay, cusbitaalka Manhal oo kale masqulo ayuu dumiyay.

Bulshadu ha is caawiso, ha is taageeraan, agabka guriga ayaa ugu mihiimsan ee waa in lagu taageero” ayuu yidhi badhasaabka gobolka Togdheer.

Geesta kale maayarka magaaladda Boorama Saleebaan Xasan Xaddi, ayaa ka warbixiyay roobab Dabaylo watay oo doraad ka da’ay magaaladda, kuwaasoo khasaare hantiyeed gayastay.

Sida uu ku soo warramay Weriye ka tirsan wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, maayarka Boorama Saleebaan Xasan Xaddi ayaa shalay soo kormeeray goobihii uu roobku waxyeeladda u gaystay.

Waxaanu kulan warbaahineed uu qabtay ku sheegay in aanay jirin wax khasaare nafeed ah, balse ay jiraan mid hantiyeed. Kaasoo isugu jira guryo iyo goobo ganacsi oo dumay, waxaanu dadweynaha degan degmadaas iyo nawaaxigeeda uga digay inay ka fogaadaan biyo mareennada.

Sidoo kale, maayar Xadi, baaq u diray shirkadaha dhismaha oo uu sheegay inay dhib ku hayaan isu socodka bulshada, gaar ahaan kuwa waddada ku dhaw oo uu sheegay inay xanibeen meelihii biyuhu ka bixi lahaayeen.

Saleebaan Xasan Xaddi, waxa uu digniin u diray shirkadaha qashinka ka shaqeeya ee degmadaasi oo uu ku tilmaamay inay habacsanaani ku jirto shaqada ay bulshada u hayaan, isagoo xusay inay dib u eegis ku samayn doonaan adegyada bulshada ee ay gacanta ku hayaan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply