Wasaarada Tamarta oo Adeeg laydh u Diyaarinaysa Dadka Reer-Guuraaga

0
540

Hargeysa (Dawan):- Wasaarada Tamarta ayaa daahfurtay qorshaha guud ee Laydhka Somaliland iyo adeega korontada lagu gaadhsiinayo dadka reer-guuraaga.

Kulan shalay lagu qabtay xarunta Wasaarada Tamarta oo ay ka soo qeybgaleen madax ka socotay Baanka adduunka iyo DIFID, khubaro ka scotay ururada caalamiga jaamacadaha iyo wakiilo ka socday shirkadaha laydhka ayaa lagu daahfuray laba mashruuc oo wasaarada Tamartu fulin doonto.

Wasiirka Tamarta Md. Jaamac Maxamuud Cigaal oo faahfaahin ka bixinayey kulanka ayaa yidhi “Waxaan daahfurnay qorshaha guud ee laydhka Somaliland, muddada 20-ka sannadood ee soo socda. Hawl kastoo qorshe loo samaysto raasamaal ayey yeelataa.”

Mudane Cigaal ayaa intaa raaciyey in wasaarada Tamartu daahfurtay qorshe lagu casriyeynayo bed-qabka korontada, waxaanu yidhi, “Hadafkayagu waa in qoys walba iyo gurri kasta oo Somaliland ku yaalaa helo laydh bedqaba, ku-filan, lana awoodi karo. Waa mashruuc bilow ah, waxaanu rajaynayaa in qofka reer-guuraagu markuu guuro, qalabkiisa laydhka awrkiisa saarto, gurigiisa cusubna ku adeegsado.

Wasiirka Tamarta Md Jaamac ayaa tacsi u diray dadkii ku geeryooday daadadkii roobka iyo laydh, waxaanu raaciyey, “Ilaahaay ha u naxariisto dadkii ku geeryooday, waa xil na saaran annaga iyo shirkadaha laydhka, kana shaqeyno bed-qabka adeega laydhka ay bulshada siiyaan.

Dhinaca kale, kulanka oo madax ay ka mid ahaayeen Wasiir-xigeenka Qorshaynta Wakiil ka socday Baanka Aduunka iyo wakiilo ka socday shirkadaha laydhka dalka ka hadleen ayaa dhamaantood ballanqaaday inay wadajir uga hawlgeli doonaan hirgelintiisa.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply