Wasiirka Cadaalada JSL Oo Gaadhay Degmada Ceelbuuh Ee Gobolka Badhan

0
969

Ceelbuuh(Dawan)Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda cadaalada JSL Cabdirsaaq Cali Cabdi ayaa gaadhay degmada Ceelbuuh ee gobolka Badhan, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey madaxda gobolka, kan dagmada iyo wax garad aad u badan oo ka tirsan odayaasha degmada Ceelbuuh.

Soo dhawaynta waftiga oo ka dhacday duleedka sare ee degmada Ceelbuuh ayaa waxa halkaasi ku soo dhaweeyey gudoomiyaha gobolka Badhan Cali Xuseen Soomaali iyo waxgarad aad u badan oo si isku mid ah u bogaadiyey socdaalkani uu markii ugu horeeyey ku soo gaadhay wasiirka cadaalada JSL oo ah wasiirkii ugu horeeyey ee xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi soo gaadha degmada Ceelbuuh.

Wasiirka Cadaalada JSL ayaa aad ugu mahad naqay shacabka degmada Ceelbuuh sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeyn shacbiga ku dhaqan degmada Ceelbuuh ee gobolka Badhan.

Leave a Reply