17 bishii Ramadaan iyo Guushii Muslimiinta ee Dagaalkii Bader

0
2744

17kii bishii ramadaan ee sanadkii labaad ee Hijriyada waxay ahayd fursad dahabi ah oo soo martay muslimiinta reer Maka iyaga oo qaaday weerar saameyn ku yeesha dhaqaalihii kufaarta, taas oo saamayn wayn ku yeelatay Gaalladii Quraysheed ee Nebigu (SCW) uu u fadhiy waayey Maka. Nebiga iyo Asxaabtiisu waxay doonayeen in ay qabtaan safar Quraysheed oo Abu Sufyaan waday, waxay ahayd 17 bishii Ramadaan ee sanadkii labaad ee Hijriya, laakiin halkaa waxa ka dhacay dagaal lama filaan ah oo Ilaahay guusha siiyey Muslimiintii tirada yarayd. Sidee ayuu dagaalku u dhacay? Abu Sufyaan muxuu sameeyey markii uu ogaaday in safarkiisii loo soo ban baxay? Waa tan qisadii dagaalka oo dhamaystiran.

Abus Sufyaan wuxuu ahaa Caaqil, wuu dareemay in loo soo bam baxay, waxaana uu Maka iyo Quraysh u diray Nin, waxaana uu yidhi u sheeg Quraysh in safarkiinii loo soo ban baxay. Ninkaas waxa uu ku dhexdhacay Quraysh. Abu Jahal ayaa diyaariyey ciidan gaadhaya 100 nin oo wata Fardo iyo Awr badan.

Laakiin Abu Sufyaan wuxuu ahaa nin caqli badan, wuu ka baydhay Jidkii ay fadhiyeen Muslimiintu, wuxuuna maray daqiir hoose. Muslimiintuna shaqo kumay darsan markii ay arkeen in ay hoos ka mareen. Abu Sufyaan markii uu Maka soo galay waxa ka hor yimi ciidankii Quraysh iyo Abu Jahal. Abu Sufyaan waxa uu ku yidhi “Waar Safarkiinii wuu badbaadaye iska noqda, dagaalkana iska daaya, balse Abu Jahal, waxa uu ku dhaartay Sanamdii Laata, Cusa iyo Manaata, wuxuuna yidhi “waxaanu doonaynaa in Maxamed Axsaabtiisii aanu ka fara-xalano oo Ceelka Bader qabsano, Carabina na ogaato, Hablaha Qurysheedna noo ciyaaraan, Khamrina ku cabno”.

Muslimiintu waxay u soo baxeen in ay Safarka Quraysheed qabtaan, dagaal kumay soo tallo gelin, laakiin Ilaahay (SWT) waxa uu doonayey in ay kulmaan tiradaa yar ee Muslimiinta ah iyo Gaallada Quraysheed isa soo urursatay. Ciidanka Nebiga diyaariyey waxay ahaayeen 317 ilaa 313 inta u dhaxaysa. 83 ka mid ahi waxay ahaayeen Muhaajiriin, 61 ka mid ahina waxay ahaayee reer Aws,170 kalena reer Khasraj, soo bixitaanka muu ahayn mid aad u abaabulan waxayna wateen Laba faras, oo ay kala lahaayeen Subeer binu Cawaan iyo Maqdaad Binu Asad, laakiin waxay wateen 70 Awr, Awr tuna waxay u kala danbaysay laba ama sadex.

Dagaalka Bader waxa uu dhacay 17-kii Ramadaan sanadkii 2aad ee Hijriyada, waa maalintii uu Ilaahay guusha siiyey Muslimiinta. Maalinta Bader waxay leedahay magacyo badan sida Yoomul Furqaan, (maalintii kala baxa), maalintii la kulansiiyey labadii Jamac. Markii Abu Jahal iyo Qurayshtii uu watay ay soo gaadheen Bader, Muslimiintu waxay galeen wada tashi, arrintii way ka tagtay Safar Jidka loo galo waxay gaadhay dagaal. Nebigu (csw) waxa uu la tashaday Axsaabtii. Waxa hadlay Nin Asxaabi ahaa oo lagu magacaabi jiray Miqdaad Binu Aswad waxa uu yidhi “Yaa Rasuulu lahaa sidii Ilaahay kugu amray nagu dhaqaaji, Ilaahay baan ku dhaartee ku odhan mayno hadalkii reer Binu Israa’il ku yidhaahdeen Nebi Muuse, oo muxuu hadalkaasi, waxay Muuse ku yidhaahdeen “Orda adiga iyo Ilaahay la dagaalama oo Beytal MAqdis ka saara kuwa qabsaday, anugana waxaanu raaci qoladii adkaata”. Laakiin Nebiga Asxaabtiisa waxay u sheegeen in ay ka barbar dagaalami doonaan”.

Waxa isna hadlay ninka lagu magacaabo Sacad Binu Mucaad oo dadkii Madiina ah, Ninkaasi waxa uu Nebiga u Inshaaray in Reer Madiina ay garab taagan yihiin, Nebiga arrinkaa aad ayuu ugu faraxay, waxaana uu yidhi “Bishaaraysta, nimankii dadka soo dhoweeyey ee gurigooda la joogay mar haday hadalkaa ku hadleen”. Markii Gaaladu soo dul degeen Bader oo ay degeen meesha loo yaqaano Cudwatul Quswaa. Muslimiintuna waxay degan yihiin Cuswatul Dunyaa. Nin Asxaabi ayaa Negiga kula taliyey in Ceelka Bader degaan si ay biyaha uga qabsadaan, waanu ku raacay.

Nebigu aad ayuu u ducaystay intii aan dagaal la gelin, Abubakar ayaa ka yaabay ducada Nebiga oo ku Nebi Allow waad ka badisay. Ilaahay wuu u hiiliyey waxaana uu ku xoojiyey Malaa’iig la dagaal gasha. Dagaalku waxa uu ku bilowday waxa loo yaqaano Mubaalaqada oo Rag laysu soo saaro intaan dagaal weynuhu bilaabmin. Dhinicii Gaallada waxa ka soo baxay saddex nin oo kala ahaa; Cutba binu Rabiic, Shaba oo walaalkii ahaa iyo Waliid. Saddexdaa nin Seefihii ayey galka ka saareen, waxaanay ku dhawaaqayeen Noo soo baxa. Waxa u soo baxay saddex dhallinyaro ah oo reer Madiina ah, Laakiin gaalladii Quraysheed way diideen oo waxay yidhaahdeen idinka idin dooni mayno waxaanu doonaynaa ragii aanu isku reerka nahay ee Maka isku ka yimi.

Nebigu waxa uu u saaray Cubayd Ibnu Xaaris, Xamze Binu Cabdi Mudalib iyo Cali Binu Abi Daalib. Saddex geesiyaal ah ayey ahaayeen. Saddexdaa Asxaabi way ka Takhaluseen saddex Gaallada ahaa. Rasuulku intaanu ciidanka u fasaxin dagaalka wuxuu qaaday qadar ciid ah wuxuuna ku tuuray gaalladii, ka dibna waxa la galay dagaalkii, waxa la dagaal galay Malaa’iigtii oo Qoorta ka gurtay rag badan. Waxa halkaa ku dhintay rag badan oo ay ku jiraan ragii laga fadhiyi waayey, waxaana la qabtay 70 qof.

Dagaalkaas Ilaahay guusha wuu siiyey waxaana maalintaa dhacday Mucjiso. Dadkii la dilay Gaallada oo u badnaa kuwii laga fadhiyi waayey Maka, ayaa Meydkoodii la soo qaaday oo Bohol weyn lagu riday si loo aaso. Nebiga ayaa dul tegay oo la hadlay Meydkoodii waxaana uu ku yidhi “Annagu wixii Ilaahay noo yaboohay oo guul ah waanu helee idinku ma hesheen wixii Ilaahay idiin yaboohay oo Cadaab ah’’. Cumar Binu Khadaab ayaa Nebiga ku yidhi “Nebi Allow Meydka Jidhkoodu googay ayaa la hadli”, Nebi waxa uu yidhi “Iyaga ayaa kaa Maqli o gee waanay jawaabi karin’’.

Nebiga iyo Asxaabtiisa iyaga oo Ilaahay u mahadnaqaya ayey Madiina. Maxaabiistii la qabtay ayaa Nebigu kala tashaday sida laga yeelayo. Waxa ka tallo bixiyey Abubakar iyo Cumar. Abubakar waxa uu soo jeediyey in la furto oo xoolo lagu furto, xoolahaas oo laysku difaaco. Cumar ayaa isna tallo la weydiiyey, tallada Cumar ku taliyey way ka duwanayd talladii Abubakar waxa uu ku taliyey in la laayo oo qof kasta qofka xiga loo dhiibo si uu u dilo. Waxa uu ku yidhi Nebiga “Adeerkaa Cabaas ayaa ku jiree ka bilow oo dil, annigana ku ii dhow ayaa ku jira aan dilo, Abubakarna kuwa u dhow ha dilo. Xitaa dadka la qabtay waxa ku jiray Abil Caas Ibnu Rabiic oo Nebiga Inantiisa Qabay.

Nebigu waxa uu u jenjeedhsaday dhinacii Abubakar, balse Ilaahay wuxuu Ayiday go’aankii Cumar, waxaana soo degtay Aayad Quraan ah, waxaana loo sheegay in aanay u bannanayn in ay Fidiyo qaataan ama adduunyo qaatan. I7 bisha Ramadaan waa maalintii Furqaan, waa maalintii guusha. Gaaladii Quraysheed waxay la noqdeen Baroor.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply