Wasiirka Macdanta Iyo Tamarta Somaliland Oo Ka Warbixiyey Sahamintii Shidaalka Ee Dalka Oo Lasoo Afmeeray,Laydhka Dalka Oo Dib U Habayn Ku Samaynayaan Iyo Macdano Dalka Laga Helay.

0
552

Hargeysa(Dawan)Guddida Joogta ah ee Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa kulan is xog waraysi ah la yeeshay wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal.

Wasiirka ayaa warbixin ka siiyey Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland hawlaha Shidaal baadhista ee dalka ka socotay muddooyinkii ugu dambeeyey , isaga oo sheegay in shirkaddihii baadhitaanka Shidaalka wadey ay laba kamid ahi soo gebo gebeeyeen baadhitaanka shidaalkaasi.

Goboladda Sanaag Galbeed ilaa Hawd iyo  gobolka Saaxil ayuu wasiirku sheegay in lasoo gebo gebeeyey shidaal baadhistii ka socotay, waxaanu intaasi ku daray wasiirku in baadhitaankaasi shidaalka lagu sameeyey Turjumaad kala duwan .

Wasiir Jaamac Maxamuud Cigaal waxa uu sheegay in la xaqiijiyey in dalka uu ku jiro shidaal , lana hubiyey shidaalkaasi,iyada oo hadda la baadhi doono xadiga shidaalka ku jira wadanka ,waxaanu cadeeyey  in baadhitaanka ay ka hadhay oo keliyaata qoditaanka shidaalkaasi.

Geesta  kale wasiirka macdanta iyo tamarta Somaliland waxa uu ka hadlay Laydhka magaaladda Hargeysa ,isaga oo sheegay  in la midayn doono Korontada maraysa magaaladda , waxa uu  ka dhawaajiyey in hay’ad Ingiriis ahi Somaliland ka caawin doonto dhinaca dab dhalinta  iyo habaynta Korontada magaalooyinka dalka.

Dhinaca kale waxa uu wasiirku ka hadlay macdanta dalka ku jirta oo uu sheegay in baadhitaan ay sameeyeen intii wasaaradda ay joogeen in ay muujinayso natiijadii kasoo baxday in min bari ilaa galbeed macdanta ku jirtaa aanay tiro lahayn ,waxa keliyaata ee loo baahan yahayna uu yahay baadhitaan lagu sameeyo noocyadda macdanta ah ee dalka ku jirta, ayna ku talo jiran in ay dawlad ahaan bixiyaan kharasha baadhitaankaasi.

Wasiirka ayaa tilmaamay in dhowaan la ansixin doono sharciga Macdanta ee Somaliland , kaas oo hadda hor yaala Golaha Wakiiladda Somaliland .

Leave a Reply