WEEDHA WARGEYSKA Hudheellada Cuntada, Khudradleyda Iyo Cabbitaannada Oo Sicir Bararku Dul-Hoganayo

0
561

Ganacsatada Hudheellada Cuntada, dadka Khudaarta ka ganacsada noocyadeeda kala duwan, kuwa ka ganacsada cabbitaannada oo Shaaha kululi ku jiro iyo wadhatada kaleba ay sannado badan illaa iyo dabayaaqadii 2018kii si aan xad lahayn uga qeylin jireen sicir bararka oo run ahaan mar walba kor mooyee aan hoos u degisba lahayn, iyagoo inta badana ku eedeyn jiray Xukuumadda jirta wax ka qabasho la’aan dhinacyada sicir bararka oo ay ganacsatada waaweyn ee Jumladda wax ku iibiya ku eedeyn jireen iyo sidoo kale suuqyada sarrifka lacagaha adag ee qalaad oo ay iyana guud ahaan shacbigu aaminsan yihiin in Shirkadaha Telesom iyo Dahab-shiil oo ku kala shaqeeya adeegyada Mobilka lacagaha [Mobile Money] ee loo yaqaan ZAAD iyo e-Dahab, ay meesha ka saareen Doollarkii ku dhex wareegi jiray suuqyada sarrifka lacagaha iyo kuwa ganacsigaba, una beddeleen in lambar wax lagu kala iibsado.

Xaqiiqo ahaan Qeylo-dhaantood mid gar ay u lahaaeen ayey ahayd, waxa inta badana sababi jiray qeyladaasi markay subax kasta uu qiimihii shalay wax ku iibinayeen taagnaan waayo halkiisii, waxanu kuleylka qiima korodhkaasi kaga yeedhsiin jiray mararka qaar, in xataa Madaxda sare ee dalka badankoodu ka kaaftoomeen haysashada ama isticmaalka lacagta Somaliland ee mushaharooyinka loo siiyo, kowna ka yihiin qiima dhaca ku yimid Shullinkii Somaliland, maadaama uu mas’uul kastaaba masrkuu kala soo baxo Baanka toos ugu soo dhiibo Darawalkiisa si uu ugu soo beddelo Doollar.

Haddaba, Xukuumadda haatan dalka ka talisa, ayaa dadaal aan yareyn u gashay siday wax uga qaban lahayd qeylo-dhaantii shacbiga ee dhinacyada sicir bararka, iyadoo kulamo kala duwan oo arrintan wax lagaga qabanayo la yeelatay dhinacyada ay khuseyso siiba Shirkadaha Telesom iyo Dahabshiil, waxana ka dhashay kulamadoodii oo u dhaxeeyey inta badan Guddoomiyaha Baanka Dhexe iyo Agaasimihiisa Guud oo dhinaca Xukuumadda metalayey iyo Madaxda sare ee labadaa shirkadood iyo sidoo kale Ganacsatada waaweyn ee dalka ee iyana ku lug lahaa sarrifka iyo xawaaladaha, in laysku afgartay sidii si wada jira looga wada shaqeyn lahaa wax ka qabashada labada barar ee isbarkan ee kala ah sarrifka iyo qiimaha raashinka iyo badeecadaha kale ee daruuriga.

Waxan odhan karnaa marka lays barbar dhigo halkii laga soo dhaqaaqay bishii Nov 2017kii iyo halka maanta la joogo ee dhinacyada sicir bararka iyo sarrif bararka, in illaa xad lagu guuleystay in si mug leh wax isku beddelaan oo tusaale ahaan kiishka bariiska ah ee ay ku jiraan 25kg ee ahaa $15 USD ee markii hore [2017kii] marka loo beddelo shillin Somaliland ka badneyd 1,500,000 Shs.Sl [ hal Milyan iyo shan boqol kun shillin] maantana marka loo beddelo shillin Somaliland waxay noqoneysaa 1,200,000 Shs.Sl [ Hal Milyan iyo laba boqol kun ]markaa farqiga u dhaxeeyaa waa in ka badan 300,000 Shs.Sl [Saddex boqol kun shillin.]

Ganacsatada aan kor kusoo sheegnay waxay ku doodi jireen inay iyagu wax ku iibiyaan Shillinka Somaliland, markay suuqa ula dhaadhacaan lacagta Somaliland ee loo beddelo Dollarka Mareykankana ay meel madhan noqoto oo ay is dabooli waayaan qiimihii ay wax ku iibiyeen iyo ka ay wax ku soo iibsadaan, dadkii wax ka iibsanayeyna aanay awoodin qiimaha hadda ay wax ku iibiyaan, waayo markay wax kordhiyaan waxa ka sii yaraada wax iibsigii.

Haddaba, maadaama imika uu kor u kacay qiimaha Shillinka Somaliland marka loo eego halkuu taagnaa 2017kii, Ganacsatada jumladda wax ku iibiyaana ku dhuftaan qiimaha hadda uu taagan yahay halka Dollar oo ah gacanta dembe 8,300 Shs[ Sideed kun iyo saddex boqol shillin ] waxa looga baahnaa dadka iska leh Hudheellada cuntada, Khudradleyda, Cabbitaannada kala duwan oo shaahu ku jiro inay hoos uga soo daadegaan qiimihii hore ee ay wax ku iibin jireen oo hadduu Saxanka bariiska ama ka baastada ah ku iibin jireen 8000 Shs, ka dhigaan maanta qiimihiisa 6000, maadaama iyagaba uu ka dhinmay qiimuhu 20%[boqolkiiba labaatan] sidaa si la mid ahna ay dhammaan ganacsatada tafaariiqda wax ku iibiyaa u dhimaan qiimaha 20% alaabooyinka yaryar sida saabuunaha, saliidaha cuntada ee xidhxidhka IWM.

Waxa si dhab ah loo dareemi karaa inay wax iska beddeleen dhinacyada sicir bararka marka iyo in shillinkeenu qiimo yeeshay, marka qiimaha hadda uu taagan yahay Dollarku lagu sar-gooyo dhammaan wax kala iibsiga min kor illaa hoos, sidaa darteed waxa waajib ku ah ganacsatada aan soo xusnay inay iyana maanta kasoo baxaan waajibka xaqa loogu leeyahay oo ah in hoos u dhigaan qiimaha ay wax ku iibiyaan 20% ka hor intaan lala xisaabtamin.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply