Hargeysa(Dawan)Ciidamada dab-damiska magaaladda Hargeysa ayaa ku guulaystay in ay damiyaan dab xalay Abaaro 10 :25 Pm habeenimo ka kacay qaybo ka mida suuqa gobanimo ee Magaalada Hargeysa, gaar ahaan Bakhaaro ku yaalla qaybo ka mida Xisbiga, kuwaasoo ay ku kaydsanayeen khudaarta noocyadeeda kala duwan.
Ciidanka Dab-demiska Somaliland, gaar ahaana magaaladda Hargeysa oo u gurmaday suuqaasi markii uu dabku ka kacay ayaa ku guulaystay daminta dabkaasi iyo xakamaynta inuu ku fido dabkaasi meheradaha kale ee ku yaalla suuqaas.
Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ay soo gaadhsiiyeen wakaaladda wararka ee SOLNA ayay ku sheegeen in ciidamadu ay sidoo kalena ku guulaysteen inay badbaadiyaan hanti badan oo dhex taallay suuqa, kuwaasi oo ay lahaayeen dad danyara.
Ma jirin khasaare Nafeed oo ka dhashay dabkaas. Laamaha Amaanka caasimada, Maamulka Degmada iyo shirkadaha korontada ayaa iyaguna hawlgalkaa kala qayb qaatay ciidanka Dab-demiska.
Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa hawlgalkaas ku hogaaminayay ciidamada dab damiska dhamaan Ciidanka Dab-demiska Degmooyinka Caasimada Hargeysa.
Suuqa gobanimo ayaa tiraba dhawr jeer oo hore gubtay, iyadoo sannadkan ay noqonayso markii koowaad, ilaa haddana ciidamadu ma cadayn sababta dabkan dhalisay.