Ciidamada Dab-Damiska Somaliland Oo Ku Guulaystay Daminta Dab Ka Kacay Bakhaaro Ku Yaala Suuqa Gobonimo+Sawiro.

0
1048

Hargeysa(Dawan)Ciidamada dab-damiska magaaladda Hargeysa ayaa ku guulaystay  in ay damiyaan dab xalay Abaaro 10 :25 Pm habeenimo ka kacay  qaybo   ka mida suuqa gobanimo ee Magaalada Hargeysa, gaar ahaan Bakhaaro ku yaalla qaybo ka mida Xisbiga, kuwaasoo ay ku kaydsanayeen khudaarta noocyadeeda kala duwan.

Ciidanka Dab-demiska Somaliland, gaar ahaana magaaladda Hargeysa oo u gurmaday  suuqaasi markii uu dabku ka kacay  ayaa ku guulaystay daminta dabkaasi iyo  xakamaynta inuu ku fido dabkaasi meheradaha kale ee ku yaalla suuqaas.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ay soo gaadhsiiyeen wakaaladda wararka ee SOLNA  ayay ku sheegeen in ciidamadu ay sidoo kalena ku guulaysteen inay  badbaadiyaan hanti badan oo dhex taallay suuqa, kuwaasi oo ay lahaayeen dad danyara.

Ma jirin khasaare Nafeed oo ka dhashay dabkaas. Laamaha Amaanka caasimada, Maamulka Degmada iyo shirkadaha korontada ayaa iyaguna hawlgalkaa kala qayb qaatay ciidanka Dab-demiska.

Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa hawlgalkaas ku  hogaaminayay ciidamada dab damiska dhamaan Ciidanka Dab-demiska Degmooyinka Caasimada Hargeysa.

Suuqa gobanimo ayaa tiraba dhawr jeer oo hore gubtay, iyadoo sannadkan ay noqonayso markii koowaad, ilaa haddana ciidamadu ma cadayn sababta dabkan dhalisay.

Image may contain: night and outdoor

Image may contain: one or more people, people standing and outdoorImage may contain: one or more people, night, sky and outdoorImage may contain: night, sky, outdoor and nature

Image may contain: one or more people, people standing and outdoorImage may contain: one or more people and indoorImage may contain: one or more people, sky and outdoorImage may contain: night and outdoorImage may contain: one or more people, night, sky and outdoorImage may contain: night and outdoorImage may contain: one or more people, people standing, night and outdoorImage may contain: one or more people and nightImage may contain: outdoor

Leave a Reply