Agaasimaha Warfaafinta Somaliland oo ka Hadlay Kulan uu la yeeshay Masuuliyiin ka Socday Ingiriiska

0
618

Hargeysa (Dawan)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Mukhtaar Maxamed Cali, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday wasaaradda Arrimaha Dibada dalka Ingiriiska.

Kulankan uu Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafintu la yeeshay Weftiga ka socday wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Igiriiska iyo saraakiil ka socday safaaradaha Ingiriiska u fadhiya dalalka Itoobiya iyo Kenya, waxa ku wehelinayey Agaasime waaxeedyada Qorshaynta iyo Isgaadhsiinta ee Wasaaradda Warfaafinta.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane Mukhtaar Maxamed Cali, ayaa kulankaas kadib sheegay inay ka wada hadleen dardar galinta iyo sii xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya labada dal, waxaanu tilmaamay inay si gaar ah ugala hadleen wada shaqeynta ka dhexaysa Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigalinta Jamhuuriyadda Somalialnd iyo xafiiska Arrimaha Dibadda Ingiriiska.

Agaasimaha Guud ee Wasaradda Warfaafinta Mukhtaar Maxamed Cali, waxa uu u mahad celiyey dawladda Ingiriiska oo uu sheegay inay gacan ka geysatay diyaarinta qabyo qoraalka xeerka Saxaafadda Somaliland isla markaana ay taageero farsamo iyo tabobaro kala duwan ay siisay Waaxda isgaadhsiinta iyo xidhiidhka ee Qaranka.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply