Gudoomiyaha Golaha Wakiillada oo ka Hadlay Booskii uu Ka Geeriyooday Xildhibaan Aareeye Xalkiisa

0
590

Hargaysa (Dawan):- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, ayaa ka hadlay booskii Xildhibaannimo ee uu ka geeriyooday ALLE ha u naxariistee Marxuum Cali Sheekh Ibraahim Aareeye oo ka mid ahaa Mudaneyaasha Golaha WakiiLlada sida laga yeelayo iyo sharciyan buuxintiisa ama bannaanaantiisa.

Waxaanu sheegay guddoomiye Aareeye in aan booska golaha wakiiladu aanu ahayn dhaxaltooyo iyo boos la iska yimaado, waxaanu intraa raaciyay in booskii uu banneeyay ALLE ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Aareeye in uu bannaanaan doono illaa inta laga soo dooranayo xubnaha golaha wakiilada taas oo uu sabab uga dhigay kaydkii xisbigii UDUB ee gobolka Awdal oo dhammaaday awgii iyo wax xeer ah oo aan laga lahayn haddii kaydku dhammaado wixii laga yeelayo.

Guddoomiye Baashe oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi. “Saddex xisbi ayaynu leenahay saddexda xisbi ayaana doorashada gala xisbi kasta xildhibaanadii u soo baxay iyo Xildhibaano kayd ah ayaa jira, markaa dhaxaltooyo maaha buuxinta xubinnimada Xildhibaanada golaha wakiilada, Xildhibaankii geeriyooday xildhibaankii kaydka ahaa ayaa soo buuxiya komishanka doorashooyinka ayaana soo buuxiya kaydkii UDUB ee gobolka Awdal wuu dhamaaday, markaa kursigaa uu ka baxay Xildhibaan Aaareeye ALLE ha u naxariistee cid ku qorani ma jirto sidaa daraadeed wuu bannaanaanayaa kursigaasi inta doorashada golaha wakiilada laga gaadhayo. sharcina looma samayn oo laguma talo galin maxaa laga yeelayaa haddii kaydka xildhibaanada golaha wakiiladu dhamaado markaa sharciga dambe ee la samayn doono ayaa lagu dari doonaa waxa laga yeelayo haddii kaydka Xildhibaanada golaha wakiilada ee goboladu ay dhamaadaan Xildhibaano lays amaahiyaana ma jiraan xisbi kastaana isagaa xildhibaanadiisa leh.”.

Dawannews Hargeysa office

 

 

Leave a Reply