Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Maanta shir gudoomiyey kulankii Labaad Ee Nafaqaynta hooyada iyo dhalaanka+Sawiro.

0
358

Hargeysa-(Dawan)Madaxweyne ku xigenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa saaka gudoomiyey Shirka Nafaqada hooyasa iyo dhalaanka. shirkaaa oo ay goob joog ka ahaayeen xubno ka mida Golaha Wasiirada oo qaybka ah barnaamijka nafaqaynta.

Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay Isu-duwaha guud ee Barnaamijka Dr. Sakariye Daahir oo Gudidana warbixin faah faahsan ka siiyey waxyaabaha u qabsoomay Barnaamijka Nafaqada Qaranka, Lixdii bilood ee lasoo dhaafay, Amaal Dacar oo iyaguna ka socotay Bulshada rayidka ah ayaa Barnaamijka Nafaqada hooyada iyo dhalaanka warbixin ka siisay Guddi hoosaadka ku bahooday Barnaamijkan, sidoo kalena waxaa shirkaasi lagaga dooday isla markaana lagu naaqishay ajandaha siyaadada Barnaamijka iyo qaabkii loo dardar gelin lahaa wax qabadka lixda bilood ee soo sacota sannadkan 2019-ka, Dhanka kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka ayaa isna soo bandigay warbixinta la xidhiidha wasaaradooda iyo waxyaabaha u qabsoomay.

Madaxweyne ku xigenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku si maha madaxweynaha somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ah Gudoomiyaha Barnaamijkan ayaa sheegay in loo baahan yahay in la dhamays tiro waaxyaha ka dhiman Barnaamijkan, sidoo kalena waxa uu ku booriyey Xubnaha Wasiirada inay dardar geliyaan barnaamijkan si qaranka looga faa’iideeyo, waxaa kale uu xusay inay lagama maarmaan tahay anba qaadka Barnaamijkan ka midho dhalintiisu.

Wa bilaahi tawfiiq

Image may contain: 1 person, suit and eyeglassesImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: 4 people, people sitting and indoorImage may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 3 people, people sittingImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: 1 person, sitting and suitImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: 1 person, sitting

Leave a Reply