Guurtidda iyo Guddiga Wanaag Farista Oo Iska Kaashanaya Sidii Shuruuc Loogu Heli Lahaa Dhalinyaradda Dhaqamadda Shisheeye Soo Min-guuriyay

0
397

Hargaysa (Dawan): Guddi hoosaadka nabadgeliyadda iyo arrimaha bulshada ee golaha Guurtidda Somaliland iyo gudida wanaag farista iyo xumaan reebista ayaa iska kaashanaya sidii loo curin lahaa shuruuc lagu hago dhalinyaradda wadanka dhaqan celis ahaan loogu soo celiyo.

Waxaanay maanta kulan arrimahaas lagaga tashanayo laba dhinac ku yeesheen magaaladda Hargaysa.

Iyadoo la isla qaadaadhigay sidii xal loogu heli lahaa dhaqamadda ay soo waaridayaan dhalinyaradda wadamadda dibadda laga soo celiyo, isla markaana aanay dhaqamadda iyo dabeecadaha ay wataan ugu dhex milmin dhalinyaradda wadanka jooga.

Kulankan ay guddiga wanaag farista iyo guddi hoosaadka arrimaha bulshadda Guurtidu yeesheen ayaa ka danbeeyay qaylo-dhaan ay guddiga wanaag faristu u gudbiyeen Guurtidda, taasoo ku saabsanayd sidii wax looga qaban lahaa dhibaatadan soo korodhay.

Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan, oo ah guddoomiyaha gudi hoosaadka nabadgeliyadda iyo arrimaha bulshada ee golaha Guurtidda Somaliland ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii diiradda lagu saaray kulan ay wada yeesheen iyaga iyo gudida wanaag faristu.

Waxaanu yidhi “Waxay noo keeneen qaylo-dhaan ayay ahayd gudida wanaag-farista iyo xumaan reebistu, iyo sidii ay gacmaha sharci-dejinta iyo xukuumaddu-ba wax uga qaban lahaayeen xaalada badan oo wadanka ka jira.

Waxaynu og nahay in aduunka intiisa kale aynu ku baahnay, oo bulshadeenu dalka dibadiisa ay tageen, sidaasi darteed wadanka waxaa lagu soo celiyay dhalinyarro badan oo dhaqan celisa, oo anshixii iyo dhaqankiiba ka baxsan”.

“Sidii dadkeenii la lumiyay aynu dib dhaqankoodii ugu toosin lahayn, shuruuc lagu hago oo lagu toosiya-na aynu ugu samayn lahayn ayay noogu yimaadeen.

Markaa si fiican ayaanu isula qaadanay anaga iyo gar-soorka iyo gudidani-ba. Waxaanu yeelan doonaa kulamo lagu lafa-gurayo arrintan, wax-na lagaga qabanayo”ayuu yidhi xildhibaan Maxamed Sheekh.

Geesta kale masuul u hadlay xubnaha guddiga wanaag farista ee kulanka la yeeshay guddi hosaadka arrimaha bulshadda ee Guurtidda ayaa sheegay in ay si wanaagsan isku af-garteen sidii xeerar ama shuruuc wax lagaga qabto loo heli lahaa dhalinyaradda dhaqamadda shisheeye wadamadda dibadda ka soo min-guuriyay.

“Waxaanu ugu nimid danaha ummada sidii aanu uga wada tashan lahayn, waananu ka wada tashanay, waanan isla af-garanay. Meel wanaagsan ayaanu isla dhignay. Waan sii wadaynaa ilaa laga gaadhayo halkii ay wax noogu hagaagayaan.

Waxyaabaha ugu badan ee aanu is leenahay, aad wax ka wada qabataan. Waxay tahay dhalinyaradda soo min-guuriyay dhaqamadda shisheeye ee aan wanaagsaneyn” ayuu yidhi xubin ku hadlayay af-ka guddida wanaag farista iyo xumaan reebista ee magaaladda Hargaysa.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply