Wasiirka Hawlaha Guud oo Bandhigay Qorshe lagu Horumarinayo Laascaanood

0
430

Laascaanood (Dawan) Wasiirka wasaaradda hawlaha guud iyo guryeynta Jamhuuriyadda Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qanbi, ayaa sheegay in ay gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ay ka wadaan Qorsheyn, islamarkaana ay ku hawlan yihiin sidii ay u furi-lahaayeen jidadka xidhan ee gudaha magaalada.

Sidoo kale waxaa uu xusay in ay ku hawlan yihiin sidii ay u kordhin lahaayeen cabirka guryaha dadku ay dhisanayaan.

Wasiirka wasaaradda hawlaha guud iyo guryeynta Cabdirashiid Ducaale Qanbi isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxaa uu yidhi “Waxaanu halkan uga sameyn hore (Master Plan) kaasi oo aanu muddo laba bilooda wadney, oo ah wadooyinka iyo qaabka ay magaaladdu yeelaneyso, iyo in aanu furno wixii waddo ah ee xidhan ee gudaha magaalada ah, 30-ka sanno iyo 40-ka sanadood ee soo socdana aanu u sameyno Master Plan oo ay raacdo magaaladda iyo qaabka ay magaaladdu yeelaneyso iyo in aanu weyneyno dhulka la degi doono oo aanu ugu yaraan ka dhigno ilaa 20-m”

Dhanka kale wasiir Qanbi waxaa uu xusay inay wadaan jid banneyn waxaanu yidhi “Laascaanood waxaa ay u badan tahay waddooyin la gooyay oo guryo Jiingado ah oo aan dhagax aheyn laga dhisay, Sandaqadahana dadka wacyigelin iyo ogeysiis ayaanu siineynaa oo muddo lix bilooda ayaanu hawshan soo wadney, khasaaraha ku imanayaana aad iyo aad ayuu u yar yahay, dalabkana waa mid bulshada dhexdeeda ka yimid iyaga ayaa dalbaday in magaalada qorsheyn loo sameeyo, qorsheynteedana waxaa aanu ka bilaabeynaa xudunta magaalada oo aheyd qaabkii hore ee ay dawladihii hore sameeyeen, waxaana hawshan gacanta ku haya rag aqoon iyo waaya aragnimo u leh jaamacaddana uga soo baxay.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply