Isha Muuqataa Waa Aqoonsigii Somaliland

0
496

Guud ahaan qaranka Somaliland dawlad iyo shicib, madax iyo Mijo, muxaafid iyo mucaarid waxay u wada halgamayaan oo ay ka midaysan yihiin illaalinta iyo sugnaanshaha qarannimada iyo madaxbannaanida Somaliland, waxaanay meel uga soo wada jeedaan ka difaacidda cidda kasta oo cadaw ku ah qaranka Somaliland af iyo gacanbana diyaar ayaa loo wada yahay difaaca qarankan.

Waxaa kale oo ay ka wada midaysan yihiin ka midho dhalinta helitaanka xuquuqda qaran ee ay leeyihiin iyo ictiraaf raadinta Somaliland.

Haddaba mar kasta oo Somaliland tallaabo qaran ay qaado oo ay wax u soo kordhaan waxaa si deg deg ah uga fal celiya oo jawaab cadaawadeed oo xaasidnimo ku dhantahay ka bixiya madaxda dawladda Muqdisho oo mar walba u taagan hagardaamaynta iyo waxyeelaynta Somaliland, laakiin taasi maaha mid ay Somaliland qarannimadeeda waxyeello ugu geysan karayaan.

Waxaa maalmihii u dambeeyay ay wadday dawladda Xamar ee qalalaasuhu ka oogan yahay dhaq dhaqaaqyo cadaawadeed oo ay kaga fal celinaysay socdaalkii wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir uu ku tegay dalka Kiiniya iyo kulamadii heer wasiir ee wasiirku la yeeshay wasiirada dawladda Kiiniya, taas oo ay sas ka qaadeen isla markaana Kiiniya kaga cawdeen waxaad la kulanteen ood heer wasiir ku qaabisheen wasiirka arrimaha dibedda Somaliland.

Waxaa kale oo soo baxay in ay dhankooda ka soo baxday oo Muqdisho laga soo maleegay waraaq been abuur ahayd oo lagu sheegay in Sucuudigu xoolaha Somaliland ee Berbera ka dhoofaya in ay ruqsad ka soo qaataan maamulka Muqdisho lagu waar diyeeyo.

Imikana waxaa soo baxaya farriimo kale oo cadaawadeed oo madaxweyne Farmaajo uu ku weeraray socdaalka Madaxweynaha Somaliland iyo weftiga uu hoggaaminayo ee martiqaadka rasmiga ah ee ay ka heleen dawladda dalka Jamhuuriyadda Gini Conakry ay ku joogaan iyo heerka soo dhawaynta meeqaamka madaxweyne ah ee laguu qaabilay, waxaanu bilaabay in uu soo saaro farriimo uu soo dhigay boggiisa twitter-ka oo uu ku sheegay in ay xad gudub ku tahay dawladdiisa in dawladaha caalamku ay qaabilaan madaxda Somaliland farriintaas oo uu dhigay si cabasho ah oo uu dawladaha dunida kaga cabanayo xidhiidhka dublamaasiyadeed ee ay Somaliland la leedahay islamarkaana uu ku codsanayay in loo go’doomiyo Somaliland si ay isaga ugu baahato.

Haddaba waxaan leenahay Farmaajo waxaa kula gudboon in aad xalkooda doonto oo aad nabad ay ku seexdaan u raadiso shacabka deggan xaafadda Madaxtooyada Muqdhisho ka dhisan tahay ee kula deriska ah ee intaad ku jirtay fiilo Soomaaliya aan habeen keliya nabad ku seexan inta aad ku dherarsanayso madaxweyne qaran oo dadkiisu ku doorteen hal cod iyo hal qof oo ka soo baxay dal iyo dawlad hannaanka dimuquraadiga afrika oo dhan tusaale looga soo qaato marka dimuquraadiyadda laga hadlayo.

Waxaa kale oo aan Farmaajo xasuusinaynaa in la gaadhay markii caalamku runta inoo kalasheegi lahaa ee Somaliland la aqoonsan lahaa adna waxaa lagaaba fadhiyaa oo keliya in aad taada u taliso,Somaliland mar walba waxay diyaar u tahay Somaliland iyo Soomaaliya oo ah laba dal oo walaalo ah oo deris ah oo iskaashi laba dawladood oo jaar ah wada yeesha haddii taa lagaa waayo Somaliland xumaan diyaar idiinlama ah dalkeedana way taqaana sida loo difaacdo laakiin qaranka Somaliland marba farriin calaacal ah oo caalamka loo diro iyo qoraallo lagaga been abuuro dawladaha caalamka mid wax lagu yeelo karo maaha

Somaliland dawlad iyo shicibba waxay diyaar u tahay in ay wax la qabsadaan guud ahaan dalalka caalamka iyadoo ixtiraamaysa guud ahaan shuruucda caalamiga ah ee dalalka iyo xuduudihii gumaysiga, laakiin haddii ay Soomaaliya ka soo hor jeedo xuduudihii gumaysigii ee lagu ansixyay in aan waxba laga bedelin shirkii Midawga Afrika ee 1964-kii. dee Kiiniya, Itoobiya iyo Jabuuti-na ha ku qabsato dhulkooda oo ha tidhaahdo waa dhul Soomaaliya leedahay, midda kale Soomaaliya waxay dal ku tahay oo ay xuduud ku leedahay waa soohdimihii uu dhigay gumaystuhu taas oo ay kala siman tahay dhammaan dawladaha qaarada afrika Somaliland =na waxay ka mid tahay dalalka qaran ku ah soohdin gumaystihii mustacmarku dhigay, taasina waa ta ay ku jiraan dhammaan dalalka qaaradda Afrika.

Haddii caalamku garwaaqsaday xaqa ay u leedahay Somaliland in la aqoonsado oo loo qiro in ay tahay qaran dimuquraadi ah oo buuxiyay dhammaan shuruuduhii uu qaran lahaa ee looga baahnaa isla markaana aanu jirin dhul aan Somaliland ahayn oo aanu ku doodayno ama aanu sheeganayno oo ka tallawsan xuduudda caalamiga ah ee uu aqoonsanyahay ururka MIDAWGA AFRIKA,urur goboleedka IGAD,iyo Qaramada Midoobay ma taallo sabab caalamku maanta wax noogu waydiiyo dawladda aan degmo ka mid ah caasimadda ay deggebn tahay ka talin ee Farmaajo.

Imikana isha muuqataa waa aqoonsigii Somaliland, madaxda Soomaaliyana waxa la gudboon oo keliya in ay Somaliland hannaanka dawladnimo ka bartaan ama ay waydiistaan gacan taageero oo xal u noqota mushkiladooda laakiin caalamku wuu ka gudbay maanta in uu Soomaaliya u dhegaysto Somaliland, kadib markii in badan dunidu isku qasbaysay laba dal oo kala xuduudo ah waxaa la garawsaday xaqiiqada Somaliland taalla iyo siday isgu tashadaeen ee Farmaajoow tasho uu u tali dadkaaga oo meel gaadhsii.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply