Wasiirka Beeraha Oo Kormeer Ku Tegay Mashruuca Degaanka Beer ee Gobolka Togdheer

0
497

Burco (Dawan): Wasiirka wasaaradda beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa shalay kormeer indha indhayn ah ku tegay degaanka dhul beereedka ah ee degaanka loo yaqaan Beer oo ka tirsan gobolak Togdheer.

Kormeerkaasi ayaa la xidhiidhay ogaanshiyaha khasaaraha ay roobabkii wadanka ka da’ay gaadhsiiyeen Kinaalada laga sameeyay dooxa degaanka Beer oo waraabiya mashruuca wax-soo-saarka beeraha ee deegaankaasi.

Wasiirka beeraha waxaa kormeerkaasi ku wehelinayay badhasaabka gobolka Togdheer iyo masuuliyiin kale, iyadoo ay soo qiimeeyeen baaxada ay leedahay dhibaatooyinkii ay Daadadku u gaysteen mashruuca ay xukuumadu ka wado degaanka Beer oo dhererkiisu gaadhay 700 oo KM.

Waxaana intii ay kormeerkaasi ku guddo jireen masuuliyiintaasi uga waramayay oo sida wax u gaadheen dhul beereedka goob walba dul istaajinayay dadka beeralayda ah ee mashruuca Beer.

Kadib markii ay kormeerkaasi soo dhamaysteen wasiirka beeraha iyo badhasaabka Togdheer waxay warbaahinta uga warbixiyeen waxyaabihii ay dhul beereedkaasi ku soo arkeen.

Axmed Muumin Seed, oo faahfaahin ka bixinayay waxyaabihii ay kormeerka ku soo arkeen iyo u jeedadda kormeerkiisa, waxa uu yidhi “Waxay noo sheegeen meelo badan oo Gacan-biyoodka ka mida in ay dhibaato gaadhay. Dhibaatooyinka gaadhay hadaan wax laga qaba na ay wax badan sii gaysan doonaan.

Markaa waxaanu doonaynaa in aanu ogaano maxay faa’iido keeneen Kinaaladii? Maxaa dhibaato gaadhay”.

“Ujeedada socdaalkayagu waxay ahayd in aanu soo indha indhayno mashruuca degaanka Beer oo 700KM ahaa iyo wasaaradda beeruhu na waa tusaale.

Balse cida ay masuuliyadda ugu weyni saaran tahay na waa bulshadda reer Somaliland dhammaantood ee ku hawlan dhinaca beeraha, wasaaradda beeruhu na waxay rabtaa inay dhiirigeliso dadkeeda” ayuu yidhi wasiir muumin Seed.

Badhasaabka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi, oo isna halkaas ka hadlay ayaa wasiirka wasaaradda beeraha ku amaanay dedaalka uu geliyay sidii beeralayda wadanka loo horumarin lahaa, isla markaana bulshadeenu ugu dhiiran lahayd wax soo saarka dalkoodda.

“Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, dhab ahaantii inta uu shaqadda wasaaradda haaneedayay ama uu gacanta ku hayay, waxaa uu ku talaabsaday horumar aad iyo aad u balaadhan.

Dedaal aad iyo aad u balaadhaan oo aanu Hadh iyo Habeen ka fadhiisanin, oo ah sidii beeralayda wadanku dalkooda wax ugala soo bixi lahayd ah ayuu sameeyay” ayuu yidhi badhasaabka Togdheer.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Waana waxyaabihii ugu horeeyay ee wasaaraddu maalgelisay oo aynu tacabkoodi maanta arkayno.

Insha ALLAAHU sanadaha danbe na waxaynu arki doona intan iyo laban laabkeed iyo saddex laabkeed oo inoo soo baxda”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply