Shacbiga Somaliland oo Taageeray Socdaalka Madaxweynaha ee Saameynta Yeeshay

0
436

Hargeysa (Dawan) Shacbiga Somaliland ee ku dhaqan gobollada dalka ayaa taageero miisaan leh u muujiyay Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisa oo ay ku bogaadiyeen socdaalka taariikhiga ah ee soo jiitay indhaha caalamka oo uu albaabada ugu soo furay iskaashi ay Jamhuuriyadda Somaliland la yeelato dalalka galbeedka Afrika.

Gudoomiyaha gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed Cabdi ayaa safarka madaxweynaha ku macneeyay mid taariikhiya, waxaanu yidhi “Waxaan halkan ka hanbalyeynayaa safarkii uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu ku tagey dalka Guinea, oo dhab ahaantii ah safar taariikhiya, islamarkaana guul u ah Somaliland iyo inta jecel Somaliland ba, madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa safarka ay ku tageen galbeedka Qaaradda Afrika waa mid siweyn loogu soo dhaweeyay, guul baanay u tahay Somaliland iyo inta saaxiibadda la ahba”

Gudoomiyaha gobolka Gabiley mudane Maxamed Cismaan Xaaji Axmed Idhabalac ayaa isaguna sheegay in madaxweynaha iyo weftigiisu ay xil iska saareen sidii beesha caalamka loogu soo bandhigilahaa qadiyada Qarinamadda Somaliland, waxaanu yidhi “Waxaa farxad weyn inoo ah inaga oo ah gobolkii Gabiley oo isku duuban inaynu maanta soo agaasino inaynu taageero mugleh u muujino socdaalka Ictiraaf raadinta ee madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ugu kicitimay wadamada Qaaradda Afrikadda Galbeed, markaa taasi inaga oo ka duuleyna waxaa aanu halbalyo u diraynaa madaxweynaha iyo weftigiisa oo dhab ahaantii isku taxaluujiyay in Somaliland loo bandhigo wadamada calaamka, kuwaasi oo ay ka mid yihiin wadamadan Afrika ee aynu jaarka nahay”

Haldoorka gobolka Awdal ayaa sidoo kale, bogaadiyay safarkii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Guinea waxaaney yidhaaheen “Waxaa wax la taaban karo, oo lagu farxi karo, oo lagu faani karo ah, oo guul ILLAAHEY inoo soo hooyay ah meeqaamka loo soo dhaweeyay madaxweynaha Qaranka Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigiisi, labadii calan ayaa leys garab sudhey, garoonka diyaaradahana Helicopter ayaa lagaga qaaday, waxaana jira dad ka xun guulaha ay Somaliland gaadhay oo dadkaasi walaalaheena ee Soomaaliya iyo maamulka Farmaajoba, waar haku wareerina umad wax qabsatay ee waxaad qabsaneysaan nabadgeliyadiina ka fuudhyeela, haku wareerina Qarankani waa uu dhaqaaqay, horu ayaanu u soconayaa”

Golaha dhaqanka Gobolka Togdheer ayaa iyaguna si weyn u soo dhaweeyay safarkii taariikhiga ahaa madaxweynaha Qaranka Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi waxaaney yidhaaheen “Nimanka ay Amisom ku ilaalineyso guryahooda anagu sidooda ma nihin xaasidiine, ILLAAHEY inuu dawladeeyo Soomaaliya waanu ka baryaynaa, hadaad diidaan Qarankii Siyaad Bare liqay ee jeeni qaaran jiray ee Milatery-ga lahaa dalkiisa waa difaacaya, horumarkiisu baadi doonaya gaadhbuu ka hayaa, ha ku harraadin, waxaa aynu kala aheyn laba dawladood, 26-June 1960-kii ayaanu Ingiriis ka qaadaney madax banaanidayada, caalamka oo dhami waa og yahay, Somaliland iyo Soomaaliya waa ay kala go’een dhibtana waxaa keentay Soomaaliya, waana laga soo kabtay, waa laga soo gudbay calaacali meyno dawladnimayada waanu ogolahay, Somaliland baanu ku nahay waanu isku ogolahay oo waanu kuwada joognaa, hadii Soomaaliya Somaliland faraha kala bixi weydo waajibaadkeeda ayaa la marinayaa, waana loo wada dhan yahay, xuduudaha Somaliland waxaa ay ka mideysan tahay siday dalkeeda iyo dadkeeda u difaacan laheyd”

“Anaga oo bulshaweynta gobolka Hawd, oo ah Salaadiintii, Cuqaashi, iyo waxgaradkii iyo mujaahidiintii marka hore Illaaheyba mahad leh, marka xigana madaxweynaha iyo weftigiisa, waxaanu si weyn ugu mahad celineynaa madaxda iyo masuuliyiinta Gini ee madaxweynaha iyo weftigiisaba sida heerka Qarana u soo dhaweeyay, waxaa kale oo aanu soo dhaweynnaa dalka Kenya” sidaana waxa yidhi qaar ka mida madaxda dhaqanka iyo waxgaradka gobolka Hawd.

Xildhibaan Cabdilqaadir Maxamed Xasan Indha Indho ka mid ahaa xubno ku hadlayay afka bulshaweynta gobolka Saaxil ayaa yidhi “Garoonada diyaaraduhu ay ka hadaan ee dalka Guinea ayaa lagu xidhay calamada Jamhuuriyadda Somaliland, safar fiicanbu ahaa, safar qurux badan ayuu ahaa, safar wixii Somaliland oo dhan jeclaana ay ku farxeen ayuu ahaa, bulshaweynta reer Somalilandna waxaa aan u soo jeedinaya waxa xun ee meelahaasi ka qayl qaylinaya iyaga oo isku duuban inay dareenkooda tusaan, mar walba cidkasta oo ina marti qaaday ha aragto dareenkeena”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply