Wasiirka Difaaca Somaliland Oo Shahaado Sharafyo Guddoonsiiyey Xubno Kamida Shaqaalaha Wasaaradaasi.

0
439

Hargeysa(Dawan)Wasiirka Gashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid) ayaa maanta shahaado sharafyo guddoonsiiyey qaar kamid ah shaqaalaha wasaaraddaasi .

Shaqaalahan uu wasiirku shahaadooyinka guddoonsiiyey ayaa ahaa kuwo loo aqoonsaday in ay ahaayeen shaqaalihii ugu hawl karsanaa , uguna dedaalka badnaa shaqada wasaaradaasi.

Waxaana munaasibadaasi lagu abaal marinaayey shaqaalahaasi ka soo qayb galay Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Difaaca Jamhuuriyadda Somaliland  iyo xubno ka tirsan saraakiisha ciidamada Qaranka Somaliland .

Waxaa ugu horeyn halkaasi ka hadlay Agaasimaha Waaxda Cududa Shaqaalaha ee wasaaradda Difaaca Somaliland Maxamuud Cabdirisaaq, Marwo Aniisa Xuseen  Ku simaha Agaasimaha guud ee wasaaradda difaaca Somaliland  iyo  Cabdi qaadir Muuse Cige agaasimaha maamulka ee wasaaradda Gashandhiga Somaliland , iyaga oo ka waramay  shahaado sharafyadan ay guddoonsiiyeen xubnahan shaqaalaha wasaaradda ka tirsan iyo sababihii ay ku mutaysteen.

Waxa ay maamulka kala duwan ee wasaaraddu sheegeen in ay shaqaalaha ku abaalmariyeen habkooda shaqo wanaag iyo halkarnimo   iyo  iyaga oo kuwo ku dayasho mudan u noqon doona shaqaalaha kale ee wasaaraddaasi, sidoo kalena ay iyagana dhiirigelin  iyo abaalkii shaqo wanaagooda ay u noqon doonto .

Ugu dambayna wasiirka wasaaradda Difaaca Somaliland Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid) oo halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimada ay lee dahay in la abaal mariyo shaqaalaha guta waajibaadka shaqo ee loo diray  ama loo xilsaaray.

Leave a Reply