Maamulka Iyo Ciidamada Degmada Ceegaag Ee Gobolka Saraar Oo Hawlgalo Ka Fuliyey Degaano Kamida Degmadaasi.

0
426

Caynaba(Dawan)Maamulka iyo ciidamada Booliska ee degmada Ceegaag ee gobolka Saraar ayaa olole amaanka degmadaasi lagu adkaynaayo ka fuliyey degaano hoos yimaada degmadaasi.

Guddoomiye Axmed Ciise Cawil oo kaashanaaya ciidamada Booliska degmadaasi ayaa hawlgal ka fuliyey meel degmadaasi Ceegaag u jirta 6 km oo dhinaca Koonfureed ka xigta ,iyada oo ay halkaasi   ay ahayd goob ay isugu yimaadaan kooxo dhalinyaro ah oo ay ciidamada iyo maamulka degmadu uga shakiyeen in ay amaan daro degmadaasi ka wadaan.

Leave a Reply