Magacyada Masuuliyiin ka Tirsan Xukuumada oo Golaha Wakiiladdu Ansixiyeen

0
392

Hargeysa (Dawan) Xildhibaannada Golaha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa shalay cod ku ansxiyey Wasiirrada wasaaradaha Caddaladda iyo caafimadka, Cabdirisaaq Cali Cabdi iyo Cumar Cali Cabdillaahi, Wasiir ku xigeennada wasaaradaha Arrimaha gudaha iyo Arrimaha dibadda Cabdinaasir Caydiid Maxamed, Cabdinaasir Cumar Jaamac Iyo Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda Farxaan Aadan Haybe.

Fadhigii shalay ee golaha wakiiladda Somaliland oo uu guddoominayey Guddoomiyaha golahaasi mudane Baashe Maxamed Faarax, ayaa Xoghayaha guud ee golaha wakiiladda Cabdirisaaq Siciid Ayaanle waxa uu mudanayaasha u akhriyey taariikh nololeedka, aqoonta iyo waayo aragnimada shaqo ee ay leeyihiin mas’uuliyiintan uu madaxweynuhu magacaabay ee golaha wakiiladda loo soo gudbiyay.

Intaas kadib wasiiradda wasaaradaha caddaaladda, wasaaradda horumarinta caafimaadka iyo gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawlada ayaa xildhibaanada golaha wakiiladda warbixin ka siiyay qorsheyaasha ay ku horumarinayaan wasaaradaha iyo hay’adda shaqaalaha dawlada.

Gudoomiyaha golaha wakiiladda mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa ka dalbaday mudanayaasha golaha wakiiladdu inay mid mid ku ansixiyaan mas’uuliyiintan, waxanay ku meel mareen Sidan:-

Wasiirka Wasaarada Caddaaladda mudane Cabdirisaaq Cali Cabdi, waxaa ogolaaday 48 xildhibaan, cid diiday iyo cid ka aamustay toona ma jirin, gudoomiyuhuna ma codeyn sidaasi ayaanu ku ansaxay.

Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland mudane Cumar Cali Cabdillaahi waxa ogolaaday 48 xildhibaan, cid diiday iyo cid ka aamusatay toona ma jirin, guddoomiyuhuna ma codeyn, isna sidaasi ayuu ansax ku noqday.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland mudaen Cabdinaasir Caydiid Maxamed, waxaa ogolaaday 48 xildhibaan, cid diiday iyo cid ka aamustay toona ma jirin, gudoomiyuhuna ma codeyn, isna sidaasi ayuu ansax ku noqday.

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda mudane Farxaan Aadan Haybe waxa ogolaaday 48 xiildhibaan, cid diiday iyo cid ka aamustay toona ma jirin, gudoomiyuhuna ma codeyn, isna sidaasi ayuu ku ansaxay.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Cabdinaasir Jaamac Cumar waxa u codeeyey 49 xildhibaan, cid diiday iyo cid ka aamustay toona ma ma jirin, sidaas ayaanay ku ansxiyeen masuuliyiintaas goluhu u coddeeyey, isna sidaasi ayuu ku ansaxay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply