Wasaaradda Beeraha Oo Mashaariic Horumarineed Ka Bilawday Gabiley

0
370

Gabiley (Dawan): Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland Dr. Axmed Cali, ayaa shalay magaaladda Gabiley ku daah-furay mashaariic wax ka taraya wax soo saarka dalka.

Sida ay ku warantay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, mashaariicdani ayaa isugu jira saddex qaybood oo kala ah Joojinta Ciida iyo Biyaha, Kor u qaadista wax soo saarka beeraha.

Kobcinta dhaqaalaha haweenka iyo wax ka bedelka tacadiyada ka dhanka ah haweenka. Waxaanu mashruucani soconayaa muddo sannad ah. Iyadoo ay ka faa’iidaysan doonaan toban Tuullo oo hoos taga Gobolka Gabiley.

Mashruucan waxaa maalgelinaysa hay’ada GIZ. Iyadoo ay fulinayso hay’adda Action Aid oo inta badan ka shaqaysa wax soo saarka beeraha, waxbarashadda iyo Caafimaadka.

Madaxa hay’adda Action Aid ee Somaliland Sacdiya Cabdi Cali, ayaa sheegtay in mashruucani salka ku hayo kor u qaadista wax soo saarka beeraha ee gobolka Gabiley. Kaasoo ay ku lifaaqan tahay kobcinta dhaqaalaha haweenka.

Guddoomiyaha gobolka Gabiley Maxamed Cismaan Xaaji Axmed iyo Maayarka Magaaladda Gabiley Maxamed Cumar Cabdi, oo halkaasi ka hadlay ayaa si isku mida u soo dhaweeyay daah-furka mashaariicdani oo kaalin wax ku ool ah ka qaadanaya wax soo saarka beeraha iyo Kor u qaadista dhaqaalaha haweenka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Dr. Axmed Cali, oo geba gebadii halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay ka wasaarad ahaan kala shaqaynayaan hay’adaha GIZ iyo Action Aid mashaariicdani oo ay ku tilmaameen kuwo faa’iidada weyn u leh gobolka Gabiley iyo bulshadiisaba.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply