Barnaamijka Shaqo Qaran: Afar Ka Mid ahaa Dhalinyaradii Tababarka Dhamaystay oo la Eryay

0
451

Hargaysa (Dawan)- Afar dhalinyaro ah oo ka mid ahaa kuwii soo dhamaystay barnaamijka shaqo qaran ayaa laga saaray dhalinyaradii ay tababarka soo wada dhamaysteen, kadib markii lagu eedeeyay in ay falal anshaxa ka baxsan ku kaceen.

Agaasimaha barnaamijka shaqo-qaran ee Somaliland Maxamed Xuseen (Mu’addinka), oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Hargaysa, ayaa sheegay in dhalinyaradani oo dorraad warbaahinta la hadlay ay dhabarka ka jabiyeen han weynaantii bulshadda Somaliland u qabtay barnaamijkaasi.

Sidoo kale-na ay ceebeeyeen imtixaankii Isniintii laga qaaday ardayda barnaamijka shaqo qaran ee la doonayay inay u shaqeeyaan shirkad laga leeyahay Shiinaha oo mashruuc Shidaal sifayn ah ka fulin doonta Somaliland.

Waxaanu agaasimuhu caddeeyay inay eryeen afartaas dhalinyaradda ah oo ka tirsanaa barnaamijka shaqo-qaran. Kadib markii ay warbaahinta la hadleen iyaga oo ka cabanayay in imtixaanka la musuq maasuqay, isla markaana dad aan ku jirin Barnaamijka shaqo qaran ay imtixaan u galeen shaqo u soo baxday dhallinyaradaasi.

Dhallinyarada la eryey ayuu sheegay Mu’adinku in ay kala yihiin saddex wiil iyo hal Gabadh, waxaanu intaas raaciyay in ay dariiq sharciya u mareen eryida afartan dhalinyaradda ah.

Isaga oo ka warbixinayay sababta keentay in ay dhalinayradan ka saaraan shaqo qaran, waxa uu yidhi “Dhalinyaraddaasi waxay tacadi iyo niyad-jab ku sameeyeen bulsho-weynta reer Somaliland ee gudo iyo dibad-ba joogta ee samaha jecel.

Niyad-jab ayay ku rideen hadaladii noocaasi ahaa ee ay faafiyeen ee ay yidhaaheen waxaasi ayaa dhacay ee dhiiladda lahaa. Waxa kaloo ay xadgudub ku sameeyeen dhalinyaradda ay magacooda sheeganayeen ee shaqo qaran, oo xalaal ah, oo boqolkiiba shagaashan dad wanaagsan ah.

Waxaana jira guddi qaran oo barnaamijku leeyahay, wada tashi ayaanu samaynay. Waxaana la go’aamiyay in afartaa dhalinyaro ahi xad-gudub culus ay sameeyeen”.

“Marka loo eego wixii ay shalay to (doraad) sameeyeen, ee qiimo tiray barnaamijkii dadku u hanka weynaayeen, ee ididiiladda faraha badan dhalinyaradu ka qabeen, ee bulshada Somaliland ku tashanaysay, ayay dhabarka ka jabiyeen, wax xun ayaanay ku kaceen.

Afarta dhalinyaradda ah oo magacyadoodu kala yihiin, Cabdalle Siciid Xaaji Cabdillaahi Askar ID Card-kiisuna yahay 1899. Xamda Ismaaciil Ibraahim Maxamed, oo ID Cardkeedu yahay 2081. Axmed Kilaas Jibriil Kaahin, oo lanbarkiisu yahay 1820-tan, iyo Cabdirisaaq Kayd Cabdi Cali, oo isna Cad-kiisu yahay 1941.

Afartaas dhalinyaradda ah waxaa la go’aamiyay in laga qaado xubinimadii shaqada qaranka ay ku lahaayeen iyo xuquuqdii ay ku lahaayeen, kaadhadhka ay sitaana la qiimo tirro” ayuu yidhi agaasimaha barnaamijka shaqo qaran.

Geesta kale gudoomiye Maxamed Xuseen (Mu’addinka), waxaa uu waxba kama jiraan ka dhigay kaadhadhka ay ardayda warbaahinta la hadashay ay sheegeen in la wada sitay.

Waxaanu yidhi “Midka ka mida ardaydii gashay imtixaanka ayaa sheegay in dadku wada sitay kaadhadhka barnaamijka shaqo qaran. Been aad u weyn ayay ahayd. Kaadhadhka anaga ayaa samayna, gacan aamina ayay ku jiraan, qof aan shaqo qaran ahayni-na ma qaadan karo”.

Dhinaca kale Mu’adinka, ayaa sharaxaad ka bixiyay tiradda dhalinayradda shaqo qaran ee ay shaqaalenimadda u qaadanayso shirkadu, taasoo tirooyin is khilaafsan laga sheego inta ay yihiin.

“Afar boqol (400) anaa sheegay, shirkaddu-na mar qudha may sheegin. Tiradda 300 uun bay sheegaysay.

Anaa sheegay waxaananu doonaynay in aanu tiro ka badan hellno, hase ahaatee markii xaqiiqada la isugu yimid may suurogelin afartii boqol” ayuu yidhi gudoomiyaha barnaamijka shaqo qaran.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply