Qodobo ka soo Baxay Shir-Weynihii ICT-ga Somaliland

0
421

Qore Faysal Xiis Afgaab

Hargeysa (Dawan):- Shir caalamiya oo laba maalmood ka socday Hoteel Maansoor ee magaalada Hargeysa oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland, isla markaana ay ka soo qayb galeen shirkadaha dalka ee ka shaqeeya dhanka tiknoolajiyadda ayaa laga soo saaray qodobo muhiim u ah ICT-ga Somaliland.

Shirkan oo ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah, ayaa falanqayn iyo dood is waydaarsi laba maalmood socday ka dib waxaa ka soo baxay qodobadan oo uu ku dhawaaqay wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland, waxaanay ahaayeen sidan.

“1. Waxaa la isla qaatay in wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyaddu ay diyaariso qorshihii lagu horumarin lahaa ICT-ga Somaliland.taasoo wax badan ka tari doonta qorshaha Tiknoolahi ee dalku higsanayo.

  1. In Somaliland noqoto marin tiknoolajiyadeed oo gobolka u adeega. Sidaa darteedna la aasaaso xarunta ICT-ga, taasoo ay maalgashigeeda iska kaashan doonaan dhammaan daneeyeyaasha oo ay ugu horrayso dawladdu.

3.In wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyaddu ay hirgeliso xeerarka iyo siyaasadaha jira imika isla markaana ay samayso kuwa kale ee loo baahan yahay si loo helo deegaan ICT oo la fidiyo.

4.In la horumariyo kaabayaasha Isgaadhsiinta Somaliland.

5.In la sameeyo xeerar illaalinaya hantida gaarka loo leeyahay oo ay ugu horrayso hal abuurada ICT-gu.

6.In dawladdu kaalinmuhiimah ay ka qaadato dhiirri gelinta maalgashiga suuqa ICT-ga,isla markaana illaaliso hantidii hore ee lagu maal galiyay suuqa ICT-ga.

7.In la sameeyo shuruuc illaalinaysa suuqa ICT-ga iyo in ay muwaadiniintu ay ka faa’iidaystaan isla markaan ala dhiirri geliyo horumarka iyo hal abuunrka ICT-ga ,taasoo lagu gaadhi karo horumarkala higsanayo.

8.In dawladdu kaalin muhiim ah ka qaadato taageeridda suuqa ICT-ga,isla markaana la joogteeyo dhiiri gelinta taageerida hal abuurka ICT-ga.

  1. In la sameeyo xarun lagu tababaro da’yarta ka soo baxaysa jaamacadaha dalka.

 

Leave a Reply