Madaxweynaha Somaliland oo Billaddo Guddoonsiiyay Saraakiil Ciidan oo Guulo Ka Soo Hooyay Waxbarasho Dibadeed

0
756

 

“Ciidanku ma qaadi karo musuq maasuq, ciidanku ma qaadi karo

 

xeer-jebin iyo in sharciga ninna laga dhaafo ninna lagu dabbaqo”

“Waxaa la idinka doonayaa in aqoontaa aad keenteen iyo horumarkaas aad ciidanka ku dhistaan, xoogga-na waxaanu saaraynaa dhismaha ciidanka”

 

 

Hargeysa (Dawan): Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta billado iyo shahaado-sharafeedyo guddoonsiiyay Afar sarkaal oo katirsan ciidamada qaranka.

Kuwaasoo ka soo qalin-jebiyay kulliyadda ciidamada oo ku yaalla dalka Itoobiya, isla markaana derejooyin aad u sarreeya ku qalin jebiyay.

Munaasibad uu madaxweynuhu shahaado-sharafeedyada iyo billadaha ku guddoonsiinayay saraakiisha ka tirsan ciidamada qaranka oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada.

Waxaana madaxweynaha ku wehelinayay taliyaha ciidamada qaranka, sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, wasiirka wasaaradda gaashaandhigga, Cabdiqani Maxamuud Caateeye, la-taliyaha madaxweynaha ee dhinaca siyaasadda, Cali Maxamed Waran-cadde, gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere) iyo afarta sarkaal ee la abaalmarinayay.

Waxaana goobta laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo guulaha ay qaranka u soo hooyeen saraakiishani iyo sida ay tusaalaha ugu yihiin dhammaanba ciidanka qaranka jamhuuriyadda Somaliland.

Taliyaha guud ee ciidanka qaranka, sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Cabdiqani Maxamuud Caateeye, ugu horrayn madaxweynaha siiyay warbixin ku saabsan heerka ay waxbarashada ka gaadheen saraakiisha dhawaan soo qalin-jebisay.

Waxaanay hoosta ka xarriiqeen inay wax weyn ka tari doonaan baahida uu ciidanku u qabo in aqoontiisa la horumariyo.

Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhankiisa saraakiisha soo qalin-jebisay ku bogaadiyay horumarka ay sameeyeen iyo guusha ay ka soo hooyeen jaamacadaha ay dhiganayeen ee ay hormoodka ugu noqdeen kumannaanka arday ee ka kala socota dalalka Afrika.

Madaxweynuhu waxa uu saraakiisha soo qalin jebisay ku adkeeyey inay aqoontooda ku dhisaan ciidamada, si uu qaranku u yeesho ciidamo tayo leh.

“Waxaa la idinka doonayaa in aqoontaa aad keenteen iyo horumarkaas aad ciidanka ku dhistaan, xoogga-na waxaanu saaraynaa dhismaha ciidanka, hadduu ciidanku inoo dhismo qaranku wuu dhismayaa.

Waxaa la idinka sugayaa qaran-dhis iyo inuu ciidanku sidii uu ahaa ka sii xoogaysto oo laga ilaaliyo qalin-daarka” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynuhu waxa uu ka digay dibin-daabyo kasta oo ciidanka qaraka ka dhan ah, isla markaana aanay cidina jebin Karin shuruucda iyo xeerarka gaarka u ah ciidamada, waxaanu yidhi “Madaxweyne ahaan iyo xukuumad ahaan dhammaanteen waxa inagu waajib ah in aynnu ciidamada ka ilaalinno qalin-daarka.

Ciidamada haddii la qalin-daaro socon mayso, ciidanku ma qaadi karo musuq maasuq, ciidanku ma qaadi karo xeer-jebin iyo in sharciga ninna laga dhaafo ninna lagu dabbaqo.

Ciidanku ma qaadi karo, ciidanku dhisibiliin iyo is maqal buu ku dhisan yahay, annagu-na ciidanka siyaasad u soo gudbin maynno”.

Dhinaca kale madaxweynuhu waxa uu amar ku bixiyay in dhulka danta guud ah qaybo ka mid ah loo qoondeeyo ciidamada qalabka sida iyo shaqaalaha dawladda.

Isagoo isla maantaba wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guryaynta u diray wareegto u arrintan ku fulinteeda ku farayo.

Afarta sarkaal ee ka soo qalinjebiyey jaamacadaha Itoobiya oo mid ka mid ahi billad dahab ah ku soo guulaystay ayaa kala ah, Gaashaanle Sare Axmed Hurre Haarriye, Gaashaanle Dhexe Nimcaan Yuusuf Cismaan, Gaashaanle Cabdirisaaq Xasan Dalmar iyo Gaashaanle Mustafe Cabdi Xasan.

Waxanay in muddo ah u dhabar adaygayeen waxbarasho socotay muddo sannado ah oo ay dalkaas Itoobiya ku sugnaayeen.

Leave a Reply