Xisbiyada Waddani iyo UCID oo loogu Baaqay in Xubnaha Koomishanka Doorashada ay ka Soo Magacaabaan Gobalada Sool iyo Awdal

0
457

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan) Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ku ee deeyay Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani in uu sabab u yahay dib u dhaca ku yimid Doorashada Golaha Wakiilada.

Siciid Maxamed Cilmi oo shalay warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargaysa ayaa waxa uu sheegay in aanay ku qabsooman Doorashada Golaha Wakiilada wakhtgii loo mudeeyay in ay dhacdo, waxaana uu intaasi ku daray in sannad badhkii xisbiga Waddani diidanaa in Koomishanka Doorashooyinku ay sii wadaan qabasha hawlaha doorashooyinka iyo Diwaangalinta.

Siciid Maxamed Cilmi oo Arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Mudadii loo kordhiyay Golaha Wakiilada mar qudha asbaab uu leeyahay Golaha Wakiilada laguma kordhin, saansaanta muuqataa waxa weeye in aanay ku dhacany Doorashada Golaha Wakiilada wakhtigii loo mudeeyay, arintan Maanta taagan xisbiga Waddani ayaa gaar u leh, Sannad iyo badh ayaa xisbiga Waddani waxa uu la soo taagnaa ma ogolin Koomishanka Doorashooyinka oo shaqada sii qaban lahaa oo Diwaangalinta sii qaban lahaa oo Doorashada soo dhawayn lahaa, xisbiga Waddani ayaa diiday.

Madaxweynuhu sharciga tanaasul kama samaynkaro, sharcigu waxa uu dhigayaa sida Koomishanka Doorashooyinka loo kala diro, sida loo eedayn karo, qaabkii loo eedaynayay Koomishanka Doorashooyinka meesha ma oolin. Koomishanka Doorashooyinka Golaha Wakiilada ayaa u codeeya, laakiin inta xisbi iska soo dacwoodo, kadibna warqad iska soo gudbiyo oo Golaha Wakiilada ku leeyahay kala dira Koomishanka Doorashooyinka arrin suuroobaya may ahayn”.

Sidoo kale Xildhibaanku waxa uu u soo jeediyay Xisbiyada Waddani iyo UCID in labada xubnood ee Koomishanka Doorashooyinka ay ku leeyihiin ay ka soo magacaabaan gobalada Sool iyo Awdal. Waxaana uu yidhi “Maanta ayaynu eegaynaa in Goddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe reerahooda u soo magacaabaan oo wali Qabyaaladii ku dhaganyihiin Xubnaha Koomishanka Doorashooyinka, labada xubnood ee Koomishanka Doorashooyinka ay ku leedihiin, waxaana aan ka codsanayaa in Gobalka Sool iyo Gobalka Awdal ay ka soo magacawdaan, waa hadii ay dabo qabasho doonayaan, hadii kale halkii ay ka miisi jireen ayay ka miiseen, waxaana umadda Somaliland idin qiyaasaysaa in aad tihiin labo oday oo qaab qabyaaladeed wax u magacaaba, madaxweynaha waxa aan leeyahay odayaashaasi hadii ay Somaliland soo miisaami waayaan awood waxa aad u leeday in aad ku soo celiso”.

Leave a Reply