Wasaarada Beeraha oo ka Digtay Roobab Laxaad leh oo Ku Soo Waajahan Dalka

0
545

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan) Wasaarada Horumarinta Beeraha Somaliland ayaa uga digtay dadweynaha gobalada Maroodijeex, Gabilay iyo Awdal in ay ka feejignaadaan roobab laxaad leh oo ku soo wajahan maalmaha soo socda.

Agaasimaha waaxda Biyaha iyo Saadaasha hawada Cabdiqani Yusuf Galaydh oo shalay u waramayay qaar ka mida warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in saadaashu sheegayso in roobab laxaad leh ku soo wajahanyihiin gobalada galbeedka dalka.

Cabdiqani Yusuf Galaydh oo Arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Maanta (Shalay), Barri iyo Saadambe, waxa ka curan doona gobalada Galbeedka dalka qaybo ka mida Roobab, kuwaasi oo ay ka mid yihiin goballada Maroodijeex, Awdal iyo Gabilay, waana in dadku la socdaan roobkaas .waana in dadku iska ilaaliyaan Biyaha ka soo rogman doona dooxyada u dhaxeeeya Hargaysa, Gabilay iyo Boorama, waana in shacabku aad uga feejignaadaan daadadka roobabkaasi keeni doonaan, markaa dadku markasta ha feejignaadaan, waxaana aanu ku gubaabinaynaa hayadaha ku shaqada leh ee dawlada ee wadooyinka in ay ka feejignaadaan roobabkaa”.

Sidoo kale, Cabdiqani Yusuf Galaydh ayaa waxa uu sheegay in Roobabka Sannadkan dalka ka da’ay ay ahaayeen roobkii dayrta. Waxaana uu yidhi “Roobkii guga ee ka da’ay dalka waxa uu ahaa roobkii ugu badnaa, waxaana uu aad ugu sii badnaa gobolada Bariga dalka iyo Gobalka Maroodijeex, siiba Magaalada Hargaysa, waxaana roobabkaasi ahaayeen roobabkii karanta oo inta badan waxa uu ka da’aa gobalada Galbeedka dalka.

Runtii roobabkaasi aad ayay u wanaagsanaayeen guud ahaan, waxaana uu ahaa roobkii ugu badnaa ee dalka ka da’ay muddo dhawr iyo toban sanno ah roobka dayrtu waxay bilaabmi doonaan bishan September ee aynu ku jirno dhamaadkeeda ilaa bisha Octoober ee Sannadkan waxaanay roobkaasi ka cuaran doonaan gobalada Bariga dalka.”

Leave a Reply