Guddoomiye Xinif oo ka Digay Shaqsiyaad ku Hawlan Fashilinta Doorashada Wakiilada

0
477

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan):- Guddoomiyaha Hay’ada Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdikariim Axmed Muxumed Xinif, ayaa ka digay shaqsiyaad aanu magacaabin oo u sheegay in ay ku hawlan yihiin in ay fashiliyaan doorashada golaha wakiilada, isla markaana ku soo dhuumanaya saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada ee gobolada.

Waxaanu intaa raaciyay in ay dalka ku soo biireen wax uu ugu yeedhay siyaasiyiin aan aaminsanayn Somaliland oo ka xun in qaranka wax u hagaagaan oo shaadh beeleed soo hagoogtay, isla markaana hadba shirinaanaya madaxdhaqameedka beelohooda kuna andacoonaya saami qaybsi ayaa naga maqan.

Cabdikariim Axmed Muxumed oo shalay u waramayay qaar ka mid ah warbaahinta waxa uu sheegay in siyaasiyiin xilal ka waayay Xukuumadda iyo Madaxdhaqameed ay wataan in ay ku kiciyaan dadka deegaamadooda Saamiqaybsiga kuraaasta golaha Wakiilada, waxaanu intaa ku daray in Tirakoob laga sameeyo dalka ay ku iman karto in tiro cayiman gobolada dalku ku yeeshaan golaha wakiilada.

Cabdikariim Axmed Muxumed oo Arimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Gobolka Awdal 13 Xildhibaan ayay ku haystaan Golaha Wakiilada iyo mid Hargaysa ah Gobolka Maroodijeex waxa ka soo baxay dad aan hore uga soo bixi jirin Doorashada Golaha Wakiilada, gobol waliba waxa uu yeelan karaa tiro cayiman oo tirakoob waana uu ka badan karaa Gobol waliba tirada dadka uu imika yahay niman siyaasiyiina oo intay Xukuumadaha xilal ka qabtaan, xilalkii inta mar dambe ay waayaan soo dhex fadhiista beeshii oo ka faa’iidaysta hadba cabashooyinka jira ee taagan oo soo kiciya dadka deegaankiisa.”

Cabdikariim Xinif oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa ku daray “Waxaana innagu soo biiray dad laga yaabo in aanay aaminsanayn Somaliland oo doonaya in aanay Doorasho dhicin oo mashaakil inuu abuurmo wada, kuwaasina way jiraan oo way innagu cusub yihiin, waxa kale oo jira Madaxdhaqameed aanay shaqadooda ahayn siyaasadda iyo gacmo innaga soo galay Soomaaliya oo isticmaalaya dad shaqo ka haya Soomaaliya oo ka soo jeeda Somaliland, cid Kaligeed qaadaysa masuuliyada Doorashada Golaha Wakiiladu ma jirto, Xukuumadda waxbaa kaga aadan xisbiyada waxbaa kaga aadan, Goleyaasha waxbaa kaga aadan, cid kaligeed lagu canaanayaa majirto.”

Leave a Reply