Wasiir Ku xigeenka Qorshaynta oo Nairoobi ku Guddoomiyay Shir Lagu Dardar Gelinayay Biyo Ballaadhinta Hargeysa

0
390

Qore Faysal Xiis Afgaab

Nairobi (Dawan):- Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Eng Xuseen Ibraahin Buuni ayaa shir guddoomiyey, Shir lix biloodle ah oo ay ku kulmaan Xukuumadda Somaliland iyo qaadhaan bixiyeyaasha Biyaha Hargeysa.

Shirkan oo ka qabsoomey Xarunta KFW ee Jarmalka, ee Magaalada Nayrobi, ee dalka Kenya. Kaas oo ay qaban-qaabadiisa ay iska kaashadeen Wasaarada Qorsheynta iyo Horumarinta Qaranka Jamhuuriyadda Somalialnd iyo Wakaalada Biyaha ee Hargeysa, Waxaa lagaga hadley guulaha mashruuca Biyo ballaadhinta Hargeysa iyo Caqabadaha horyaalla.

Waxaana warbixino shirkaasi ka jeediyey Mareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa, Mudane Maxamed Daarood iyo qadhaan bixiyeyaasha. Waxaana shirka kasoo qaybgaley dhammaanba qadhaan bixiyeyaasha mashruuca biyo ballaadhinta Hargeysa ee Ururka midowga Yurub, DFID, DENIDA, Netherlands, GIZ, KFW, Coca-Cola iyo UN Habitat oo hirgelinta mashruuca leh.

Ugu dambeyn waxaa kulanka la iskula qaatay in la derdergeliyo mashruuca biyo balaadhinta Hargeysa dhanka xukuumadda iyo dhanka Qaadhaan bixiyeyaasha Biyo balaadhinta Hargeysa.

Waxaa wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Eng Xuseen Ibrahim Buuni, shirka ku wehelinayey Mareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa, Maxamed Daarood, la taliyeyaasha mashruuca Maxamed Faarax iyo Eng Ayaan Hujaale

 

Leave a Reply