Hamigaaga Waxa ku Gaadhsiin Kara Dadaalka!

0
658

Maalqabeenka Maraykanka ah ee Warren Edward oo wakhtigan ah ninka sadexaad ee dunida ugu taajirsan  wuxu ku dhashay sanadkii 1930. Magaalada Neberaska ee badhtamaha  dalkaasi ku taalla.

Markii ay da’diisu ahayd 11 sano waxa uu dariiqyada magaaladaasi ku iibin jiray Nacnac, xanjada, sharaabka fudud iyo wargeysyada dalka ka soo baxa isagoo la wareegi jiray..

Wakhti danbena waxa uu  shaqaale ka noqday Booshari khudaarta lagu iibiyo. Lacagtii uu kaydsaday mudadii uu shaqaynayay oo dhamayd $ 35 keliya ayuu sanadkii 1945 ku bilaabay meherad uu curiyay oo uu lahaa.  Edward waa ninka sadexaad ee dunida maanta ugu taajirsan sida warbixinta bishii July ee sanadkan lagu cadeeyay isagoo hantidiisa lagu qiyaasay 82 bilyan Oo doller.

Edward waxa uu sheegay inuu weligii uu ku fikiri jiray in maalin uu noqdo maalqabeenka dunida tan iyo yaraantiisa. Hamigaasi ayaa dhab u noqday sanadkii 2008, iyadoo loo aqoonsaday ninka dunida ugu taajirsan, inkasta oo sanadadii ka danbeeyay laga qaaday horyaalka Maalqabeenka dunida.

Arinka aad hamiga ku haysaa waad gaadhi kartaa markaa aad ficil ahaan uga shaqayso.

Wakhtigan waxa uu hay’adaha kaalmada bixiya siiyay lacagaha ugu badan waxaana uu ku caawiyay lacaga dhan $ 30.9 Milyan doller taasi oo noqotay waxtar aad u weyn. Edward waxa uu sheegay in arimaha u fududeeyay inuu noqdo maalqabeen ay tahay isagoo kaydsan jiray lacagta uu baahida u qabo oo xataa aan ku isticmaali  jirin arimaha madadaalada iyo mukhaadaraadka. Waxaana  uu yidhi “ Maalgelinta ugu fiican ee aad sameyn karto waa maalgashiga naftaada. Wax badan baro, waxaad kasban doontaa wax badan”.

Leave a Reply