Wefti Ka Socda Somaliland oo Shir Kaga Qayb Gelaya Dalka Yugaandha

0
491

Yugandha(Dawan):- Wefti heer Baarlamaan ah oo ka socda Somaliland ayaa gaadhay caasimadda dalka Yugandha ee Kambala.

Weftiga ka socda Somaliland oo uu hoggaaminayo guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha wakiiladda Somaliland Xildhibaan Axmedyaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ay ka mid yihiin xoghayaha guud ee golaha wakiiladda Cabdirisaaq Siciid Ayaanle iyo xubno ka tirsan golaha wakiiladda Somaliland ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay caasimadda dalka Yugandha ee Kambala.

Weftiga Somaliland ka socda ayaa kulamo la qaatay shir guddoonka baarlamaanka Yugandha,waxaana loo qaabilay si heer sare ah oo mid ah sida loo qaabilay weftiyada Baarlamaan ee dalkaa gaadhay ee a qayb gelaya shirka Baarlamaanada Afrika

Haddaba warkaas oo muuqaal ah halkan hoose ka daawo.

Leave a Reply