Golaha Guurtida Somaliland oo Dood ka Yeeshay Xaalada Nabadgelyada Dalka

0
402

Hargeysa (Dawan)- Xildhibaanada golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay dood ka yeeshay xaaladda nabadgelyo ee dalka, taas oo ka mid ah qodobada ajandahooda kal-fadhiga 70-aad.

Fadhigii shalay ee golaha guurtida Somaliland oo uu shirgudoominaayay gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa xildhibaanadu waxay dood iyo falanqayn ka yeesheen xaaladda guud ee nabadgelyada dalka, gaar ahaana sidii la iskaga kaashan lahaa dhalinyarada kooxa-kooxaha isku disha, kuwaas oo qaar kood bulshada dhibaateeyaan.

Xildhibaanadii dooddaas wax ka qayb-qaatay ayaa waxay si wada jir ah u soo jeediyeen in dhalinyaradaas bulshada dhibaateeya wax looga qaban lahaa, ciidamada booliksana gacan loogu siin lahaa hawl-galada ku saabsan sugida ammaanka, iyagoo waalidiintana u soo jeediyay inay ubadkooda ka warhayaan.

Ugu dambayn gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in talooyinkaas xildhibaanada ay u gudbin doonaan masuuliyiinta hay’addaha ammaanka ee dalka.

Leave a Reply