Kulan Ku Saabsan Tacadiyadda Ka Dhanka ah Dadka Nugul oo Hargaysa Lagu Qabtay

0
408

Hargaysa (Dawan): Wasaaradda shaqa gelinta, arrimaha bulshadda iyo qoyska Somaliland ayaa qabatay kulan ku saabsan tacadiyadda ka dhan ka ah dadka nugul.

Kulankaasi oo shalay lagu qabtay magaaladda Hargaysa aayaa lagaga hadlayay sidii wax looga qaban qaban lahaa tacadiyada bulshadda dhexdeeda ay kala kulmaan dadka nugul.

Kulankaasi waxaa ka qayb galay agaasimaha guud ee wasaaradda shaqo gelinta iyo arrimaha bulshadda, daneeyeyaasha arrimaha tacadiyadda dadka nugul iyo xubno ka mid ah hay’adda UNFBA.

Luul Aadan Geeddi, agaasimaha waaxda lammaanaha iyo qoyska ee wasaaradda shaqa gelinta ayaa sheegtay in kulankaasi ku saabsanaa sidii wax loogu qooban lahaa dadka nuqul ee la kulma tacaddiyada.

Madaxa hay’adda UNFPA ee Somaliland marwo Faa’iza, oo halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay in loo baahan yahay in la isku baraarujiyo sidii looga hortagi lahaa tacadiyada ay la kulmaan dadka nugul.

Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqa gelinta arrimaha bulshada iyo qoyska Cabdirashiid Ibraahin Cabdiraxmaan, ayaa shaqaalaha wasaaradda ku booriyay inay ka faa’iidaystaan kulankaasi, isla markaana ay bulshadda kaga wacyigeliyaan sidii tacadiyadaas loo joojin lahaa.

 

 

Leave a Reply