Wasiirka Waxbarashada oo Iska Fogeeyay Eedo Uga Yimid Boqor Buur-madow

0
396

“Buur-madow ha Barto Xeerka Waxbarashada Qaranka”

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland mudane Cismaan Jaamac Aadan ayaa ka jawaabay eedaymo uu Boqor Buur-madow xukuumadda ugu jeediyey go’aan ay wasaaradda waxbarashadu ay dugsiga gaarka loo leeyahay kaga reebtay deeqdii waxbarasho ee Itoobiya siisay Somaliland.

Waxaanu wasiirku sidan ka sheegay mar uu shalay hor-tagay shir-gudoonka golaha guurtidda isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi ““Buur-madow halkuu Waxbarashada ka soo galay, inuu Iskuu leeyahayna ma ogiye, wasaaraddana kama shaqeeyo, meel uu ka soo galay garan maayo. Hhadduu Shicib ahaan ku soo galayo oo Muwaadin ahaan uu ku soo galayo waa halkeeda, haka hadlo oo ha soo barto Xeerka Qaranka ee wasaaradda waxbarashada, xeer nidaamiyaha iyo waxa la isku hayo.”

Dhinaca kale, Wasiirku wuxuu sheegay inaan gorgortan laga geli karin go’aanka xukuumadda ee ah in Deeqda Waxbarasho laga reebo dugsiga gaarka loo leeyahay, balse la dhiirigeliyo ardayda dugsiyadda dawladda ee aan awoodin inay waxbarashada sare galaan waxaanu yidhi “Xeer Qaranku dhigtay lagama gorgortamo lagamana gallo heshiis iyo aynu sidan sameyno, oo markii xeerkani la sameynayay baarlamaankani ayaa sameeyay, waxaa baarlamaanku meel mariyayna anigu ka geli maayo gor-gortan, cabashada kaliya ee ay Guurtidda soo gaadhsiiyeena waxay aheyd deeqdi waxbarasho ee la ina siiyay waa nalaga qadiyay, 20-kii sanno ee u danbeeyay deeqo waxbarasho oo dalka dibadiisa ah way helayeen, mid kaliya oo kuwa dawlada ay siiyeen ma jiro, maxaa loo arki waayay kuwaasi, marka wadanka dadka danyarta ah ee aan karin in ay iskuuladaasi tagaan ayay arrintan deeqda waxbarasho u adeegeysa, madaxweynaha Qaranka ayaa siyaasadaasi ku dhaqmaya oo na siiyay amarkaasi sidaasi ayaaney ku soconeysaa”

 

 

Leave a Reply