Wasiirka Warfaafinta oo la Kulmay Shirkadda Sattelite-ka ee THAICOM

0
361

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo ay weheliyaan masuuliyiinta wasaaradda ayaa kulan xafiiskiisa kula yeeshay maamulka shirkadda Sattelite-ka ee THAICOM.

Arrimaha masuuliyiintu kulankaasi kaga wada hadleen ayaa waxa kamid ahaa sidii loo dhimi lahaa qiimaha lacagta Airtime-ka iyadoo THAICOM aan waxba ka dhimin tayadda Televetion-ka. Iyo sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka wada shaqayneed ee u dhexeeya labada dhinac iyadoo la eegaayo maslaxadda wada shaqaynta u dhexeysa labada dhinac.

Madaxa suuqgaynta ee shirkadda THAICOM ayaa wasiirka wasaaradda warfaafinta uga mahad celiyay wada shaqaynta ay la lahaayeen ee mudada dheer soo socotay. Waxana uu balanqaaday inay wanaajin doonaan wada shaqaynta ay la leeyihiin wasaaradda maadama uu jirro tartan dhinaca suuqa ah oo ka dhexeeya shirkadaha bixiya addeegyada Sattelite-ka qiimahana ay jabin doonaan.

Ugu dambayna waxa loo balamay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka isla markaana kor loogu qaadi lahaa tayada baahinta Televetion-ka qaranka ee gudaha dalka iyo dibadda.

 

Leave a Reply