Xukuumadda oo Shaacisay Xanuun Aan Dalka Lagu Arag 12 Sanno

0
357

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in muddo 12 sannadood ah ka dib Somaliland lagu arkay kiisas xannuunka Dabaysha ah, kuwaas oo ka soo gudbay dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya.

Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa sheegay in maanta uu guud ahaan dalka ka bilaami doono tallaalka cudurka dabaysha kaas oo socon doona sadex maalmood, iyadoo lagu tallaali doono sadex boqol iyo sideetan kun oo carruur ah, kuwaas oo da’adoodu ka yartahay shan sanno.

Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Tallaalku waxa uu bilaabmayaa 25/9/2019 waxaanu dhammaanaya 28/9/2019, nooca talaal ee la bixinayaana waa nooca talaal ee Dhibcaha, mana aha kii Irbada ahaa oo laba Dhibcood ayaa ilmaha afka loogu shubaya”

Sidoo kale Dr. Xergeeye waxaa uu daboolka ka qaaday tirada ubadka cudurkani laga tallaali doono waxaanu yidhi “Doorkan waxaa aanu dooneyna in aanu gaadhno ilaa saddex boqol iyo sideetan kun oo carrruur ah, kuwaasi oo ah kuwa ka yar da’da shanta sano, waxaanu isku dayi doonaa in aanu ka hawlgalo badi degmooyinka ay ka kooban tahay Jamhuuriyadda Somaliland”

Dhanka kale Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa sheegay in muddo 12 sannadood ah ka dib Somaliland lagu arkay kiisas xannuunka Dabaysha ah, kuwaas oo ka soo gudbay dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya waxaanu yidhi “Waxa aanu go’aansaney ka wasaaradd ahaan si aan xannuunka Dabeyshu dib ugu soo noqon Somaliland, iyadda oo 12-kii sano ee u danbeeyay aanu Somaliland ka jirin xannuunka Dabeyshu ayaa hada aynu aragney Kiisaas inoogu soo gudbay dhinaca wadamada Itoobiya iyo Soomaaliya, sidaasi darteed waxa ay wasaaraddu go’aansatay in la joogteeyo tallaalka Cudurka Dabeysha lagu cidhibtirayo”

Leave a Reply