Gudida Qandaraasyada Qaranka oo Shaaciyay Shirkadda ku Guulaysatay Keenista Qalab Loo Doonayay Waddada Ceerigaabo

0
366

Khadar.M.Dhako.

Hargaysa(Dawan):-Gudida  Qandaraasyada Qaranka  ayaa shalay   shaaciyay  in  shirkadda  Allied  DEVELOPMENT CONITRACTION   ay    ku guulaystay qalabka   lagu dhisayo  Buundooyinka   waddada Ceerigaabo.

Munaasibad shalay   lagu  shaacinayay  Shirkada ku guulaysatay Qalabka lagu dhisayo Buundooyinka waddada Ceerigaabo ayay ka soo qayb galeen Gudida  Qandaraasyada    Qaranka  Mareeyaha  Hay’adda  Horumarinta  Waddooyinka   iyo Masuuliyiinta   Shirkada  ALLIED DEVEPLOPMENT  iyo  marti sharaf kale.

Guddoomiyaha  Gudida Qandaraasyada     Qaranka   Nuux Maxamed  Xuseen ayaa  shaaciyay Shirkadda ku guulaysatay  dhismaha Buundooyinka  waddada Ceerigaabo.waxaanu yidhi“Saaka(shalay) waxa aanu furnay tartankii lagu tartamayay qalabka loo doonayo waddada Ceerigaabo waxaana  ku soo tartamayay laba shirkadood midi saaka way habsaantay manay iman wakhtigii loogu talo galay,waxaana ku soo tartantay Shirkada  AllIED DEVELOPMENT CONISTRACTION     oo ku guulaystay mashruucaa  waddada Ceerigaabo ee qalabka loo doonayo,waxaanan Shirkada kula dardaarmaynaa  in qalab tayo leh qaranka ay u keenaan.”.

Mareeyaha   Hay,adda  Horumarinta  Waddooyinka Somaliland Axmed Maxamed    Yusuf ayaa usoo jeediyay Shirkada ku guulaysatay Qandaraasyada Buundooyinka Waddada Ceerigaabo in ay keenaan qalab tayo leh.waxaana uu yidhi“Waxa aan aad iyo aad usoo dhawaynayaa shirkadda ku guulaysatay qalabka lagu dhisayo Buundooyinka  waddada Ceerigaabo,waxaanan  ka rejaynayaa in shaqadaa sidii loogu talo galay ay u qabato ugana soo baxdo,waxaanan  u arkaa in si caddaalad ah oo xaqa uu  u dhacday tartankani waana in shirkaddu qalab tayo leh iyo  shaqo hufan ka  fuliso   wada Ceerigaabo.”.

 

Leave a Reply