Khabiir soo Bandhigay 10 Su’aalood oo Somaliland ka mid Tahay oo Wejigabax ku ah Socdaalka Farmaajo ee Maraykanka

0
446

Hargeysa(Dawan):-Michael Rubin oo ah aqoonyahan ka tirsan machadka American Enterprise Institute, isla markaana  hore uga soo shaqeeyey Wasaaradda Gaashaan-dhiga Maraykanka, ayaa soo bandhigay Toban Su’aalood oo weji-gabax ku noqonaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, kuwaaasi oo ay tahay inuu ka jawaabo inta uu ku sugan yahay dalka Maraykanka oo uu kaga qaybgalay Shirweynaha loo dhan yahay ee Qarammada Midoobay.

Mr. Rubin wuxuu qormadaas uu ciwaan uga dhigay “10 Mawduuc oo Madaxweynaha Soomaaliya ay tahay inuu ka jawaabo inta uu ku sugan yahay Maraykanka.” Warbixintaas oo uu ku qoray warsidaha Washington Examiner, waxa soo turjuntay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, waxaanay u qorneyd  sidan:-

 

Daahfurnaanta (Transparency)

 

Waxaad  dhawaan soo celisay baasaboorkaagii Maraykanka ahaa miyaad sannad kasta bixin jirtay cashuurtii dakhliga ku soo gala muddadii aad aheyd muwaadin u dhashay Maraykanka?

 

Waxa korodhay hantida aad haysato  tan iyo markii aad noqotay Madaxweynaha Soomaaliya Bishii Feberwari 2017, wali miyaad soo bandhigtay halka aad ka keentay lacagtaas aad ku tanaaday? Haddii aanad shaacin hantidaasi siday kugu soo gashay maxaad u sheegi wayday? Haddiise aad iska casisho xilka madaxweynaha Soomaaliya, adigoo aan laheyd  xasaanad diblomaasiyadeed, miyaad cag soo dhigi kartaa Maraykanka?

 

  1. Musuqmaasuqa (Corruption)

 

Waxa korodhay deeqaha la siiyo sannad kasta  Soomaaliya  oo gaadhay  balaayiin doolar. Hase yeeshee Hay’adda Transparency International waxay Soomaaliya ku derajeysay inay  tahay dalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka, iyadoo xataa sagxadda ka sii xigta dalalka Syria, Iraq, Venezuela, Yemen  iyo  Afghanistan.

 

Miyaad rumaysan tahay in  qiimeynta  Transparency International ay khalad tahay? Haddii ay jawaabtu sidaas tahay. Miyaanay arrinta musuqmaasuqu tibaaxaynin in Soomaaliya aanay awood u laheyn ay ku maamusho deeqaha la siiyo?  Sidoo kale maxay cashuur bixiyeyaasha Maraykanku  ay Muqdisho ugu dirayaan Malaayiin doolar oo inteeda badan la leexsado isla markaana khasaare ah?

 

3.Ammaaanka (Security)

 

Alshabaab waxay farobaas ku hayaan Muqdisho, Kismaayo iyo meelo kale oo Soomaaliya ka tirsan oo ay si bile ah weerraro uga geystaan, miyaad na tusi kartaa meel aad horumar ka sameyseen?

 

Sidoo kale, miyay Dawladda Soomaaliya ku filan tahay inay hanato ammaanka, haddii ciidammada AMISOM ay yareeyaan joogitaankooda Soomaaliya?

 

4 Xuquuqda Aadanaha (Human Rights)

 

Miyaad ka sifeyn  kartaa wanaagga iyo galdaloolooyinka dastuurka Soomaaliya? Tan iyo markii aad talada qabatay waxa dhacay dilal badan oo lagu khaarajiyey  dadka mucaaridka ka tirsan, halka in badan oo kalena xabsiga la dhigay.

 

  1. Safarrada (Travel).

 

Markii aad u tartamaysay xilka madaxtinimada waxaad ku naqdiday madaxweynihii kaa horreeyey inuu si xad dhaaf ah ugu safro dalka dibadiisa,  halkii ay ka aheyd inuu ku sugnaado Soomaaliya oo  hawlo badani yaallaan, balse intii aad xilka la wareegtay waxaad safarro dibadeed u baxday in ka badan intii madaxda Arrimaha dibaddu u socdaali lahaayeen dalalka dibadda.

 

Sannadkii tagay oo kaliya waxaad saddex jeer  booqatay dalka Itoobiya. sidoo kale waxaad u socdaashay dalalka Talyaaniga, UAE, Qatar, Burindi, Eritrea, Japan, Turkiga iyo Maraykanka, qiime intee leeg ayaa  safarradaasi ku  baxay?

 

  1. Qatar

 

Soomaaliya waxaad u jihaysay dhinaca dalalka Turkiga iyo Qatar, waxaanad Fahad Yaasiin oo Aljazeera u shaqeyn jiray aad u dallacsiisay  madaxa guud ee Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya, inkastoo uu ku magacaaban yahay agaasime ku-xigeenka Hay’addaasi. Ninkaasi oo dilaal ka ah siyaasadda Qatar ka leedahay Soomaaliya.

 

Maxaad u aragtaa  ujeeddooyinka  iyo danaha Qatar ka leedahay Soomaaliya? ma adigaa maamula mucaawimada ay Qatar siiso Soomaaliya? siddee ayaadse u aragtaa cod Telefoonka lagu duubay oo  lagu shaaciyey  kaalinta ay Qatar ka geysatay  weerar argagaxiso oo ka dhacay Soomaaliya?

 

  1. Turkiga

 

Waxaad xidhiidh adag la sameysay Turkiga oo aad siisay saldhig Millatari oo ay ka furteen Muqdisho, iyadoo madaxweynaha Turkigu caddeeyey inay Soomaaliya barayaan Diinta Islaamka ee saxda ah? Miyaad ku raacdsan tahay arrintaas madaxweynaha Turkiga?

 

  1. Somaliland

 

Somaliland waxay  qaadatay madax-bannaanideeda sannadkii 1960kii, ka hor intii aanay si iskeed ah ula midoobin Soomaalidii Koonfurta ee Talyaanigu xukumi jiray. Sannadkii 1991kii ayey Somaliland la soo noqotay madax-bannanideeda iyadoo dawladii kaligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre xasuuqday.

 

Somaliland waxay  qabsatay oo waliba ay ku celcelisay doorashada madaxtinimada, waxay leedahay  ciidammaddeeda ammaanka iyo lacagteeda u gaarka ah, xilli ay Soomaaliya tahli weyday inay sugto ammaanka dalkeeda.

 

Waxa isa soo taraysa intii aad hoggaaminaysay Soomaaliya inaad xoojisay dagaalkaaga ku wajahan inaad qaadhaanka caalamku bixiyo aad ka joojiso Somaliland, sidaas darteed dagaalka siyaasadeed iyo ka ciidan ee aad ku hayso Somaliland ma mudnaantaada koowaad baa?

 

Haddii Somaliland  ay dhinaca nabadgelyada iyo heerka  noloshaba ay dhaaftay Soomaaliya? maxaad ula tartami weydeen guulaha Somaliland ku tallaabsatay intii aad ka xumaan laheyd?

 

  1. Prime Minister Khaire

 

Ra’iisul-wasaare Khayre oo booqday Maraykanka lix bilood ka hor, inta badan safarkiisii wuxuu ku qaatay sidii uu u kasban lahaa taageero uu ku doonayo inuu adiga ku beddelo. Haddii Xasan Khayre noqdo madaxweyne miyaad filaysaa inay Soomaaliya xasili doonto?

 

  1. Shiidaalka

 

Soomaaliya waxay khilaafka dhinaca badda ee u dhexeeya Kenya ay geysay Maxkamadda caalamiga ah ee Adduunka. Maxaad nooga sheegi kartaa xaraashkii aad ku soo bandhigteen soohdimaha badda ee aad isku haysataan Soomaaliya? maxaadse u sugi waydeen inta  maxkamadda uu ka soo baxay xukun?

Xigasho SOLNA

Dawannews

Leave a Reply