Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Dhiggiisa Imaaraadka Ku Marti-qaaday Dalka

0
624

Madaxweyne ku xigeenka Qaranka waxaa sacuumad u sameeyay Tijaarta Dubai waxaanu uga warramay fursadaha Maalgashi ee Somaliland yaalla

Qore: Faysal Xiis Afgaab

 

Dubai (Dawan): – Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland mudane  Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo safar ku jooga dalka Isku Tagga Imaaraadka Carabta, ayaa la kulmay madaxweyne ku-xigeenka Imaaraadka, ahna maamulaha Dubai, Sheekh Juma Bin Ahmed Al-Makhtoum.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici,ayaa kulanka uu la qaatay Madaxweyne ku xigeenka dalka Imaaraadka Carabta Sheekh Juma Bin Ahmed Al-Makhtoum,waxay kaga wada hadleen xidhiidhka labada dal iyo sida ay Somaliland u tahay dal dihin oo ku habboon in la maalgashado waxaanu Madaxweyne ku xigeenka Somaliland uu ku marti qaaday dhiggiisa dalka Imaaraadka Caranta in uu booqasho ku yimaaddo Somaliland.

Kulanka labada masuul ayaa ahaa mid ay aad ugaga wada hadleen arrimo badal oo quseeya xidhiidhka labada dal.

Qoraal kooban oo Madaxweyne ku-xigeenku ku baahiyey barta uu ku leeyahay Twitter-ka ayuu ku sheegay inuu madaxweyne ku-xigeenka Imaaraadka, ahna maamulaha Dubai uu la yeeshay kulan Midho-dhal ah, muddadii ay wada joogeena ay ka wada-hadleen Fursadaha Maalgeshi ee Imaaraadka Carabta uga banaan, sida Tamarta, Beeraha iyo Kalluumaysiga.

Mudane Saylici waxa kale oo uu qoraalkiisa ku sheegay inuu dhiggiisa Imaaraadka ku marti-qaaday Somaliland, si uu Mustaqalka dhow u soo booqdo, si kor loogu qaado xidhiidhka labada Dal.

Waxaa akle oo Madaxweyne ku xigeenka qaranka Somaliland casuumad soo dhawayn ah shalay u sameeyay Tijaarta dalka Imaaraadka Carabta oo ugu sameeyay Magaalada Dubai.

Madaxweyne ku xigeenka,ayaa casuumad sharafeedda ay u sameeyeen Tijaarta Dubai waxaa uu uga xog warramay Somaliland iyo siday u tahay dal nabdoon oo dimuquraadi ah isla markaana ku habboon in la maalgashado isagoo tijaarta u faah faahiyay fursadaha maalgashi ee Somaliland ka bannaan iyo sida ay u tahay dal sharciga ku dhaqma oo qaanuunka caalamiga ah iyo dastuurka dalkeeduba uu dammaanad qaadayo maalgashiyada caalamiga ah.

Kulanka waxa Madaxweyne ku-xigeenka ku wehelinayey Wakiilka Somaliland ee Imaaraadka Md. Muniir Abu Site.

Leave a Reply