Dagaal Kasta Waxa Uu Noqday Dhibane!

0
580

Askariga Yang Kyoungjong wuxu u dhashay Kuuriya waxaana lagu daray ciidankii Japan markii ay Kuuriya xukumayeen. Sanadkii 1938 ayuu ka qayb galay dagaalkii  dhex maray Ruushka iyo Japan ee la odhan jiray Khalakhin Goul. Dagaalkaasi ayay ciidamadu Ruushku ku qabteen waxaana lagu xidhay jeelasha Rushka.

Waxaana markii danbe lagu daray ciidankii casaa ee Ruushka  maxaabiistii xidhnayd oo ka mid aha ,kuwaasi oo ka qayb galay dagaalkii Karkiif ee Ruushka iyo Nasigii Jarmalka dhex maray sanadki 1943, Askarigan Yang ayaa isla dagaalkaasi ay ciidankii Jarmalku ku qabteen oo maxbuus dagaal ku noqday.

Ciidankii Naasiga Jarmalka markii ay qabsadeen Farance ayay maxaabiistii u xidhanayd ciidan ka dhigteen iyagoo u qaaday dhinaca dalka ay qabsadeen ee Faransiiska.  Dagaalkii Normanda oo sanadkii 1944 dhex maray ciidamadii Maraykanka iyo Ingiriiska oo isku dhinac ah iyo ciidankii Naasiga ee Jarmalka, waxa ku qabtay dagaalkaasi ciidankii Maraykanka waxaana lagu xidhay dalka Ingiriiska isagoo maxabuus dagaal ahaa. Laakiin Yang Kyoungjong  wuxu ku ugu dhintay si caadi ah dalka Maraykanka sanadkii 1992.

Leave a Reply