Kulan Wada Tashi ah oo Dhex maray Salaadiinta Gobolada Galbeedka iyo Madaxweynihii Hore Daahir Rayaale

0
482

Qore Khadar M. Xaashi

Boorama (Dawan) Kulan wada tashi ah oo dhex maray salaadiinta gobolada galbeedka Somaliland iyo madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo gogol u fidiyay wax garadkaas, ayaa la isku afgartay in la dejiyo xaaladda la xidhiidha tabashooyinka, taas oo keentay in warbaahinta la isku mariyo hadalo xanaf leh.

Madaxweynihi saddexaad ee Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin oo isagu fidiyay gogoshan ay isugu yimaadeen salaadiinta goboladda galbeedka Somaliland ayaa warbaahinta la wadaagay ujeedada kulankani salka ku hayo waxaanu yidhi “Ninkastaaba ciddii uu dooranayo ha doorto, laakiin anigu waxaan dhibsaday hadaladii barigii dhaweyd hawada leysu marinaayay, kuwaasi inay soo afjarmaan ayaanu ka wada hadalney Salaadiinta iyo Wax-garadka, waananu isla qaadaney waxaan u rajeynayaa INSHA ALLAAHU sidii ay ahaan jireen gobolka Awdal iyo hormoodkiisu in arrintu ku soo noqoto, midnimadii iyo walaalnimadii wixii intaasi ka badan ee idiin dhimman hadii ILLAAHEY yidhaaho mustaqbalka in aad ka tashataan, danta Somaliland, danta gobolada Galbeedka intaba in aad u midowdaan”

Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo isna halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahiyay nuxurka qodobada ugu mihiimsan ee kulankaasi lagaga wada hadlay waxaanu yidhi “Madashan oo ka qabsoontay Gurigii madaxweynihi hore ee Somaliland mudane Daahir Riyaale Kaahin, dardaaranka uu na siiyayna waa mid ay saameyn ku lahaayeen doorashooyinkii dalka ka dhacay, oo maanta Odayaashi iyo Duqeydii iyo Sulaadiintii, Wax-garadkii iyo nin garboodkii gobolka Awdal halkan isugu yeedhay, waa mid aanu uga mahad celineyno xusuusinta iyo dardaaranka uu na siiyay dhab ahaantii, doorashadu waligeedna ay dhici jirtay dibna u dhici doonto, xanaftii iyo hadaladii warbaahintana aanu dhab ahaantii isaga garownay oo aanu ka wada hadalay, hadii aanu odayaasha nahay, gaba-gabadiina ay tahay in dantii guud, midnimadii, walaaltinimadii, haday ba waayeel tahay iyo haday culimo tahayba dhalinyaro iyo haween, dalka gudihiisa iyo dibadiisaba waxaanu ku dardaarmayna in garbaha leys qabsado horena waad nooga aragteen, anaga oo hawshaasi ka hadlayna maanta guntii iyo gaba-gabadii wanqashi ugu danbeysay waxaa ku soo gunnaanaday mudane Daahir Riyaale Kaahin oo aanu gurigiisa fadhino, anaguna hadii aanu nahay duqeydii waanu kula faataxeynay, waa midnimo walaalnimo, waa midnimo jaarasha ah, waa midnimo Gadabuursi weeye, rajadii iyo hawlihii hore ee ay lahaayeen in ay halkeedii ka sii anbaqaadaan”

“In halkaasi lagu dhaafo xanaftii ay dhalisay doorashadii dalka ka dhacday, dhaqanku sidii hore ee uu u wada shaqeyn jiray uu wada shaqeeyo, waxaa aanu cadeynaynaa oo aanu ummadda u sheegay in maanta Midnimo, Walaalnimo, lagu wada shaqeeyo” ayuu yidhi Suldaan Ibraahim Jaamac Samater kana mida madaxda dhaqanka ee goboladda galbeedka Somaliland.

 

Leave a Reply